”Somalia hadda Kenya uma baahna mana aha middi beri la baadi jirey” – Prof Nasong’o Muliro

0

(Nairobi) 04 Sebt 2020 – Waxaan wanaagsanayn xiriirka Somalia iyo Kenya oo siyaasad aan caqli ku dhisnayn kula dhaqmeysey sanadihii ugu dambeeyey, iyadoo u muuqata mid hollinaysa inay qaadato doorkii Itoobiya oo sanadihii dambe faragelinteeda u bedeshey mid yara caqliyaysan oo aan taagtaagnayn, balse Kenya ayaa u muuqata mid dareentay inaysan Somalia u sahlanayn sidii ay sawirteen.

Sidii hore uma qabooba

Prof Nasong’o Muliro, oo khadiib dhiga Xiriirka Caalamiga ah ka ah Jaamacadda Technical University of Kenya ayaa ku doodaya in Somalia ay muujinayso astaamo sheegaya inaysan baaddii hore hadda u debecsanayn.

“Dowladda Somalia waxay dareensan tahay inaysan Kenya iyo Afrika midna u baahnayn maadaama ay dunidii isku haysato khayraadka dabiiciga ah ee Somalia.” Ayuu yiri Prof Nasong’o Muliro oo la hadlay Daily Nation oo wax ka qoray xiriirka xun ee Kenya la leedahay Somalia iyo Tanzania.

Prof Nasong’o Muliro ayaa se Kenya usoo jeediyey inay lafteedu bedesho siyaasadda hujuumiga ah ee ay ku wajahayso dalalka deriska ah oo uu dareensan yahay inaysan mira dhal ahayn.

“Muhiimadda Kenya ee siyaasadda dibeddu waa inay noqotaa mid ku qotonta inay xiriir wanaagsan la yeelato dalalka deriska ah, taasoo hadda mid dhib badan u muuqata.” Ayuu yiri Prof Nasong’o Muliro.

Yeelkeede, aqoonyahan kale ayaa wuxuu inkirsan yahay inay Somalia isku hayaan dhibaato ay Kenya gaysatey, isagoo ka dhigaya inay dad kale soo dirdirayaan Somalia, sida ay marar hore qortay saxaafadda Kenya.

“Somalia, faragelinta shisheeye ayaan meesha laga saari karin, balse marka ay timaado Tanzania, ajende siyaasadeed oo maxalli ah iyo cuqdado taariikhi ah ayaa sabab u ahaan kara,” ayuu yiri Dr Mwencha, oo ah Xoghayaha Guud ee International Relations Society of Kenya.

Hadalsame Media