RASMI: “Waan sii joogayaa Barcelona balse qorshe ma hayaan!” – Leo Messi oo sheegay in xaaska iyo carruurtu… (Arrin uu ka ilduufay)

0

(Barcelona) 04 Sebt 2020 – Lionel Messi ayaa si rasmi ah u shaaciyey inuu sii joogayo kooxda Barcelona ugu yaraan inta uu qandaraaskiisu ka dhamaanayo sanadka xiga, Juun 2021-ka.

Yeelkeede, taasi meesha kama saarin inuu weerar ku qaado MW Barcelona Josep Maria Bartomeu oo uu sheegay inuusan ‘wax qorshe ah haynin.’

Messi oo waraysi gaar ah siiyey Goal.com ayaa sheegay in xaaskiisa iyo carruurtiisu ay murugoodeen markii uu u sheegay inuu Barca ka tegayo.

“Balse xaaladda ayaan horay u eegay waxaana doonayaa inaan koobab u tartamo sida Champions League. Badi ama guuldarrayso laakiin waa inaad tartami kartaa,” ayuu yiri Messi oo u duurxulaya Barca.

Messi ayaa qirtay inuu sameeyey hal khalad kaddib markii uu ka ilduufay in haddii uu tegayo ay ahayd inuu taa ku dhawaaqo 10-kii Juun ama uu bixiyo €700 milyan oo euro (£624m/$823m) oo qandaraaskiisa lagu fasiqi karo, balse wuxuu ku dooday in xilligaa la muquuranayey xasaradda Covid-19.

Messi oo sheegay inuu Barca jecel yahay ayaa u muuqda mid qandaraaskiisa sanadku ka haray dhamaysan doona, waloow aan meesha laga saari karin inuu sii joogo haddii ay xaaladdu caawiso.

Hadalsame Media