”Kuma jirno!” – Laba dowladood oo Khaliijka ah oo ay midina diiddey inay Israel xiriir la yeelato midna diiddey inay hawadeeda dul marto (Waa dalal horay loo sheegay inay…)

0

(Hadalsame) 04 Sebt 2020 – Kuwayt ayaa diiddey inay dayuuradaha Israel u ogolaato inay hawadeeda dul maraan marka ay ku wajahan yihiin dalka Imaaraadka, sida uu qorayo Quds Press.

Wargayska oo soo xiganaya warqaadka Kuwaytiga ah ee Al Qabas ayaa weriyey in ilo dowladda ku dhowi ku yiraahdeen: “Dayuuradaha Israel marna ma dul mari doonaan hawada Kuwayt marka ay u duulayaan Imaaraadka.”

Al Qabas ayaa sheegay in sidoo kale ay madaxdani beenisey warar horay u sheegayey inay Kuwayt hawadeeda u fasaxday dayuuradaha Israel.

Dhanka kale, Baxrayn oo ku jirtey dalal 4 ah oo lasii sheegayey inay qayb ka yihiin sheeko ay isla dhoodhoobeen Maraykanka iyo Israel oo la yiraahdo ”Heshiiska Qarniga” oo si wayn ugu xaglinaya Israel, ayaa iyaduna sheegtay inaysan marna wax xiriir ah la yeelan doonin Israel, inta meel laga saarayo arrimaha Israel iyo Quddusta barakaysan.

Waxay intaa raaciyeen inaysan qayb ka ahayn wax heshiis ah oo lala yeelanayo Israel, kahor inta ay ka xallinayso arrimaha ka dhexeeya Israel iyo Falastiin.

Hadalsame Media