Imaaraadka oo caddeeyey mowqifka ay qaadanayaan haddii ay Israel sii waddo xig-goosiga Daanta Galbeed (Maxay samaynayaan?)

0

(Abuu Dabeey) 04 Sebt 2020 – Saraakiisha Imaaraadka Carbeed ayaa shalay qirtay in aanay Israel xiriirka u jari doonin xitaa haddii ay ka baxaan wax ay ku sheegeen ”ballan ay kula galeen” inaysan *xig-goosanin Daanta Galbeed ee Falastiin.

Sarkaal ka tirsan Wasaarad Dibadeedka Imaaraadka, Jamal al-Musharakh, ayaa shir jaraa’id ka sheegay inay Maraykanka iyo Israel ballan kula galeen inay joojiyaan qorshaha xig-goosiga Daanta Galbeed, balse saas oo ay tahay aanu xiriirkooda saamayn doonin wixii dhaca mustaqbalka.

“Waxaannu qayb ka nahay Hindisaha Carabta… Waxaan joojinney xig-goosigii. Xalka ugu dambeeya waa midka Falastiin,” ayuu warqaadka Israeli-ga ah ee Haaretz ninkan kasoo koobiyey.

Yeelkeede, markii la waydiiyey in haddii ay Yuhuuddu ku dhaqaaqdo xig-goosiga uu burburayo heshiiska ay la galeen, wuxuu Musharakh oo aad u dhiirrani lasoo boodey, “May!”.

Wuxuu ku marmarsooday in aanu Imaaraadku sii saadaalin karin qorshayaasha mustaqbalka ee Israel.

Israel ayaa si kastaba isla maalintii heshiiska Imaaraadka si cad u sheegtay inaysan waxba iska bedelin qorshihii xig-goosiga Daanta Galbeed.

*Xig-goosi = annexation

Hadalsame Media