Dadka Muslimiinta neceb oo ”DAWO” cusub loo helay (Daraasad cusub oo yaab leh)

0

(Sydney) 04 Sebt 2020 – Daraasad laga sameeyey mowqifyada dadka aan Muslimka ahayn balse ku ag nool bulshada Muslimka ee magaalooyinka Sydney iyo Melbourne ayaa la ogaadey in Mulimiinta kaga dulqaad badan yihiin dadka kale.

Dadka aan Muslimka ahayn ee ku dhaqan xaafad ay Muslimiintu ku badan tahay ayaa daraasad cusub lagu ogaadey inay ka Muslim nacayb yar yihiin dadka kale sida ku cad cilm baaris ay samaysay RMIT University.

Daraasaddan oo oo marxaladda 3-aad ka ah mashruuc ballaaran oo diiradda lagu saarayo “sida xaafadaha looga dareemo Islaam nacaybka” isla markaana ay maalgelisey DF Australia, gaar ahaan qaybta Adeegyada Barwaaqo Sooranka Bulshada (DSS), ayaa waxaa diiradda lagu saaray qeexitaanka Islaam nacaybka oo lagu sheegay “mowqif takoor ah ama dareen xun oo ka dhan ah Islaamka ama Muslimiinta” halka sida ay xaafuduhu u dareemaan lagu qeexay “waxyaabo isku unkan sida aragtida raasumaalka bulsho, ka qaybgalka maxalliga ah iyo sida uu qof ugu qanacsan yahay deriskiisa”.

Waxaa daraasadda ka qayb galay 1,020 qofood – kuwaasoo kala bar (50%) ay ku nool yihiin xaafadaha ay Muslimiintu ku badan yihiin ee Sydney iyo Melbourne, halka nuska kale laga eegtay xaafadaha ladan ee ay caddaanku ku ribban yihiin ee labada magaalo.

Waxaa deeto la ogaadey in Islaam nacaybku (Islamophobia) uu aad ugu yar yahay xaafadaha ay Muslimiintu ku badan yihiin ee Sydney iyo Melbourne, sida Lakemba oo ku taalla New South Wales, halkaasoo ay Muslimiintu ka yihiin 59% ama Dandenong, Victoria, oo ay ka yihiin 30%, marka loo eego xaafadaha ay caddaanku ama dadka aan Muslimka ahayn ay u badan yihiin.

Waxaa sidoo kale caddaatay in habka dhaqan-dhaqaale, diinta uu qofku haysto iyo aqoontu ay door ku leeyihiin inuu qofku Islaamka iyo Muslimiinta naco, iyadoo ay dadka aqoonta lihi aad ugu yaraayeen kuwa Muslimka neceb.

Halkan ka wada akhri…

Hadalsame Media