Aqalka Sare & MW Deni oo muujiyey inay wada yihiin indhoole hagaya mid kale (Maxaa dhacay)

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2020 – Waxaa shalay Aqalka Sare ee Baarlamanka hor tegey MW Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo halkaa ka jeediyey khudbad, iyadoo kulanka dhan lagu sheegay dhoollatus (Deni ayaa halkaa ka sheegay waxyaabo badan oo aan isaga khuseeynin ama aan ka mid ahayn waxyaabaha ku qeexan shaqadiisa oo ah inuu ka shaqeeyo adeegyada gobolkiisa, halka siyaasadaha Dowladda Dhexe ay u taallo dadka xilalka ku magacaaban oo ay ka mid yihiin senatarrada ku jira Aqalka Sare oo ay qaarkood shalay isaga waydiinayeen su’aalo aan isaga waxba ka khuseeyn oo u gaar ah DF oo ay laftoodu qayb ka yihiin.

Waxaa intaa dheer, in qof kasta oo ku jira Dowladda Dhexe uu maqaam ahaan ka sarreeyo qofka gobol ka socda, maadaama uu uu midna dalka oo dhan metelo, midna uu gobol oo qura metalayo.

“Haddii marar badan la arko Puntland oo intaas qodob dastuuri ah haysata ama ku andacooneysa ma ahan dastuurka iyo sharciga ay dadka ka xigto laakiin firaaqo iyo waqti baan u haynaa ugana fekerno ugana hadalno marka taas waxay noqoneysaa in aan wakiil uga nahay cid kasta oo Soomaaliyeed oo sharcigaas heshiis ka gashay oo aan markaas oo aan ka haansho u haynin,” ayuu yiri Deni.

Ha yeeshee, marka laga soo tago in Deni uusan isaga laftiisu raacin Dastuurka uu sheegayo inuu ”wakiil cid uga yahay” oo uusan bixin waxa ugu horreeya ee ay ku leedahay DF oo ah canshuurta qaranka, misna ma jirto cid gobol u xil saartay inuu isagu sharciga ilaaliyo, taa biddaalkeeda se wuxuu dalku leeyahay Maxkamad Dastuuri ah oo iyadu u xil saaran inay fasirto in dhacdooyinka Dastuurka loo daliishanayaa ay Dastuurka waafaqsan yihiin iyo in kale, waloow taa eeddeedu ay kusoo noqonayso DF Somalia lafteeda oo aan dhisin Maxkamaddaas.

Markale ayuu Deni hoolka Aqalka Sare ka sheegay eray kale oo farsamo ahaan khalad ah.

“Baarlamaanka waa xeer-dejin, laakiin haddana waa Hay’ad siyaasi ah oo la rabo in ay door ka qaadato maraaxisha siyaasiga ah ee uu dalku marayo,” ayuu yiri Siciid Deni.

Ha yeeshee, Baarlamanku waloow uu gaaro go’aanno dalka saameeya misna marna toos looguma tilmaami karo hay’ad siyaasadeed, balse taa biddaalkeeda waa hay’ad sharci-dejineed, halka ay wixii siyaasad ah shaqo ku leeyihiin Xukuumadda iyo axsaabta dalku.

Isku soo duuboo, waxay tani muujinaysaa in ay dalka hor boodayaan dad aan kala saaraynin sida shaqada loo kala leeyahay, macquul ma aha inaysan aqoonin sida ay howsha u kala leeyihiin (Job Description), balse waxaa hubaal ah inaysan taa ixtiraamin, waloow aan meesha laga saari karin inaysan qaarkood xitaa taa aqoonin ama ku baraarugsanayn, taas ayaana inta badan sii hurisa khilaafka micne darrada ah ee mar walba taagan.

Aqalka Sare ayaa ka mid ah hay’aadka faraha badan ee loo dhisay Somalia, isagoo sidaa qayb uga ah biilasha tirada badan ee dul saaran Somalia oo ah dal farsamo ahaan faqri ah, jeer uusan wax badan oo micne leh soo saarin.

Hadalsame Media