3 sababood oo la sheegay inay ugu wacan yihiin inuu MW Farmaajo la daaho magacaabista RW xiga

0

(Muqdisho) 04 Sebt 2020 – Waxaa sidii loo sugayey haatan sii xiise beelaysa magacaabista RW bedeli lahaa Xasan Cali Khayrre oo qaab sharci darro ah xilka looga qaaday 25-kii Luulyo, marka la eego sida ku qoran Dastuurka Qaranka.

Ha yeeshee, daahitaanka magacaabista RW ayaa tafaasiir iyo tafaasiil fara badan laga bixiyey, balse waxaa ugu waawayn inay 3 sababood middood u daahday.

1 – Inuu MW Farmaajo ciyaarayo xeelad daahin oo ku tala gal ah si marka dambe uu si uun ugu helo muddo kororsi oo la dareensan yahay inay tahay sababta ugu wayn ee sida halhaleelka ah loogu tuuray RW hore kaddib markii ay Xildhibaanno dantooda eeganaya iyo Madaxwaynuhu ay is tuseen inay sidaa ugu badiso, waloow aysan wax kasta u sahlanaanin sidii loo qorsheeyey.

2 – Inay MW Farmaajo jiq ku tahay oo uu ka lumay aakhirkii turubka siyaasaddu, sidaa darteed, uu cadaadiska faraha badan ee saaran iyo nooca RW uu doonayo oo aan u muuqanin ay geliyeen yabaal iyo labalabayn badan, taasoo iyaduna ku qaaraamaysa inuu la daaho magacaabista Wasiirka Koowaad.

Waxaa kale oo qodobkan ku hoos jirta inay shaqayn kari waayeen isbahaysiyo lasii sawiranayey markii la dirayey RW Khayrre oo markii dambe is bedeley ama hal ajende isku waafiqi waayey kuwaasoo ka kala jira dhinaca DF iyo kooxaha mucaaradka intaba.

3 – Waxaa jirta aragti 3-aad oo qabta in Madaxwaynuhu uu arrintan canaad uga dhigayo qolyaha mucaaradka qaarkood oo muddo badan cadaadis siyaasadeed ku hayey, balse waa aragtida ugu fudud marka kuwa kale loo eego.

Hadalsame Media