Heshiiska Imaaraadka & Israel oo aan wax wayn looga arkin gudaha Israel + Sababta (Qaybtii 1-aad)

0

(Hadalsame) 03 Sebt 2020 – Waxay ku beegnayd 19-kii Nofeembar 1977-kii, markii uu MW Masaarida ee xilligaa Md Anwar Sadat uu si lama filaan ah uga degey caasimadda Israel ee Tel Aviv, isagoo deeto dhex istaagey Aqalka Keneset-ka.

Qof kasta oo Israeli oo ay da’diisu u saamaxdo wuu xusuusan karaa markii uu shaashadaha TV-yada kasoo muuqday Anwar oo saaran dayuurad ay ku qoran tahay “Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar” oo Carabi iyo Ingiriisiba ku qoran ee uu jaranrada kasoo degey tiiyoo ay hoos ugu rigaysan yihiin ciidamo siiyey salaan sharafeed.

Qof kasta oo Israeli ah waxay u ahayd daqiiqad taariikhi ah kaddib afar dagaal – 1948, 1956, 1967 iyo 1973 – oo intii ay socdeen ay ku naf waayeen kumannaan Yuhuud iyo Masaari ah.

Todobaadkan, 31-kii Agoosto, dayuuraddii abid ugu horreeysey ee xambaarsan rayid Israeli ah ayaa ka degtey Abuu Dabeey iyada oo kasoo haaddey Tel Aviv. Waxaa dadka saarnaa ka mid ah wefdi Maraykan iyo Israeli ah oo uu ku jiro wiilka qaba gabadha MW Maraykanka ee Jared Kushner.

Balse wararka ugu waawayn ee qabsaday cinwaannada saxaafadda gudaha Israel waxay ahaayeen is casilaadda sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Maaliyadda oo eersaday xasaradda dhaqaale ee ka dhalatay hoggaan xumada xilliga lagu jiro xasaradda coronavirus.

RW Benjamin Netanyahu ayaa laftiisu isku dayey buun buuninta wax uu ku sheegay “maalin taariikhi ah” oo wax ka bedeli doonta sida uu u qaabaysan tahay Bariga Dhexe.

Weriyeyaashii duullimaadka la socdey ayaa laftoodu isku yara dayey inay arrinta dareen geliyaan, yeelkeede, hilinnada maxalliga ah ayaa 3 daqiiqo uun ku koobay ka sheekaynta dayuuraddaa tagtay Imaaraadka, iyagoo kaddib u jeestey waxa muhiimadda 1-aad u leh dadka iyaga daawanaya oo ah: furitaanka sanad-dugsiyeedka cusub xilli lagu jiro xasaradda  Covid-19.

Waxaa haddaba jira dhowr arrimood oo u sabab ah inay dadka Yuhuuddu aanay iminka wax wayn u arkin xiriir lala yeesho Imaaraadka Carabta.

La soco qayb kale….

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media