Maraykanka oo cabsi ka muujiyey tillaabo istaraatiji ah oo uu qaadi rabo dalka Shiinuhu

0

(Beijing) 02 Sebt 2020 – Shiinaha ayaa la sheegay in ay ugu yaraan labalaabayaan tirada madaxyada nukliyeer ee ay haystaan 10-ka sanadood ee soo aaddan.

Shiinaha oo hadda la qiyaasayo inuu ku hubaysan yahay ugu yaraan 200 oo madax, ayaa sidoo kale usii dhowaanaya inuu awood u yeesho inuu nukliyeerka ka ridi karo dhul, bad iyo cir, waxa loo yaqaan Triad, sida uu sheegayo Bentagon.

Waa markii ugu horreeysey ee warbixin sanadeedka ciidamada Shiinaha ee loo gudbiyo Koongarayska lagu soo qaado tirada madaxyada nukliyeerka Shiinaha.

Jamciyadda Saynisyahannada Maraykanka ayaa iyagu qiyaasaya inuu Maraykanku haysto qiyaastii 320 madax..

Pentagon oo ka walaacsan kororka cududda istaraatijiga ah ee Shiinaha ayaa sheegay in Shiinuhu uu haatan isaga oo aan is dhibin labalaabi karo tirada madaxyada nukliyeer  maadaama uu haysto walxihii laga samayn lahaa, dhaqaalihii iyo awooddii farsamo.

“Waanu ka walaacsan nahay sida cad tirada …. balse waxaa kasii daran tiirada horumarinta madaxyada la sameeynayo ee badan,” ayay yiraahdeen.

Hadalsame Media