Imaaraadka oo Israel kula heshiiyey in wax laga bedelo maqaamka Masjidka Al Aqsaa & Yuhuudda oo ay u fasaxeen inay ku dhex ”cibaadaystaan” (Muslimiinta oo meel yar lagu koobay & Quddus oo…)

0

(Quddus) 02 Agoosto 2020 – Koox Israeli ah oo u dhuun daloola arrimaha magaalada Quddus ayaa sheegay in xiriirka Israeli-Imaaraadka lagu ogolaaday in wax laga bedelo maqaamka Masjidkabarakaysan ee Al-Aqsa, taasoo ah dhacdo ugub ah.

Sida ku dhigan Terrestrial Jerusalem wuxuu heshiiskani Israel u fasaxayaa inay Yuhuuddu ku ”cibaadaysan” karaan gudaha Masjidka Al Aqsa, taasoo yarayn doonta xorriyadda ay Muslimiintu ku leeyihiin isla Masjidkaas iyo guud ahaanba Quddus.

NGO-gan oo ah mid si dhow ula socda isbedellada Quddus, ayaa waxaa wada siyaasiga Isaeli-ga ah ee Daniel Seidman oo sidoo kale ah gayfane.

Sida lagu qoray Newsweek, ninkani “waa midka ugu xog ogaalsan arrimaha ku xeeran Quddus, mana seego xitaa hal qashin oo kasoo biday meel ka tirsan magaalada oo ku dhacay meel kale.”

Heshiiska UAE-Israel ayaa dhigaya in wax badan laga bedelo qiyamka iyo maqaamka magaaladan barakaysan iyada oo loo danaynayo Yuhuudda, taasoo u muuqata mid meesha gebi ahaanba ka saaraysa rejo kasta oo laga qabey inay dowladda Falastiin caasimad ka dhigato ugu yaraan bariga Quddus.

“Muslimiinta si nabad ah ku yimaada Israel waa ku dukan karaan Al-Aqsa Mosque.” ayaa ku qoran heshiiska.

Waana markii ugu horreeysey taariikhda ee dokumenti caalami ah lagu qoro magaca “Al-Aqsa Mosque” halkii laga adeegsan jirey Al-Haram Al-Sharif, ama Noble Sanctuary (of Al-Aqsa), taasoo ka dhigan in Muslimiinta lagu koobayo meel yar oo ka tirsan masjidka oo qura, waxaa sidoo kale maqan Quddus oo aan wax xaq ah lagu siin Muslimiinta jeer heshiis lala gelayo dal Muslim ah; Imaaraadka.

Heshiiska uu wado Donald Trump ee la magac baxay ‘heshiiska qarniga” ayaa isna dhigaya inay Yuhuuddu ku dhex dukan karaan Masjidka Al Aqsa.

Hadalsame Media