Dayuuraddii ”nabadda” ee lagu furay duullimaadka tooska ah ee Imaaraadka & Israel oo durba CEEB dhex fadhiisatay (Magac ku qornaa oo…)

0

(Hadalsame) 02 Agoosto 2020 – Dayuuraddii ugu horreeysey ee toos ah misna rakaab ah ee isku xirta Israel iyo Imaaraadka ayaa Isniintii ka degtey magaalada Abuu Dabeey iyada oo sidda wefdi ka kooban Maraykan-Israeli si ay u caadiyeeyaan xiriirka Tel Aviv iyo Abuu Dabeey.

Yeelkeede, isla qoraal ku yaalla dayuuraddaasi ayaa durba dood xasaasi ah dhaliyey, kaddib markii ay dadku arkeen magaca magaalo ku taalla dhulka ay xoogtey oo ku hoos qoran shirka dayuuradda.

Magaaladaasi waa  Kiryat Gat oo awal inta aysan Yuhuuddu xoogin la oran jirey al-Faluujah, ayaa ku taalla dhanka Degmooyinka Koonfureed ee Israel oo ah dhulka loo yaqaan Lama Degaanka Negev, waxaana halkaa ku nool 240,000 Falastiiniyiin ah oo u badan badaawiyiin magaalooyinkoodi la qabsaday isla markaana lagu hayo cadaadis bulsho oo adeegyada loo diido si loo barakiciyo.

Gabar Liina la yiraahdo ayaa soo qortay: ”Tani waa cajiib. Erayga ”nabad” ayaa 3 luuqadood lagu qoray, waxaana ku hoos qoran Kiryat Gat, oo ah magaca degaan sharci darro ah oo Yuhuudeed, taasoo ku dul fadhida haraaga maydkii awoowayaasheey ku noolaa xaafadda Falastiiniyiinta laga isir tiray ee al-Faluja.

Hadalsame Media