Shayaadiin wax ay ka qabtaan waayey goob ay ku shiraan siyaasiyiin dhowr ah

0

(Hadalsame) 01 Sebt 2020 – Mid ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Shayaadiinta ayaa hadda ka hor qaar xertiisa ka mid ah u diray in ay soo fidneeyaan koox Soomaali siyaasiin ah oo meel wada deggan. Wuxuu soo siiyey amar ah in ay salaaadda ka wiswaasiyaan, in ay caajis ku ridaan, in ay beenta iyo Sawirrada qaaqaawan ee Facebook u qurxiyaan.

Shayaadiintii markii ay yimaadeen gurigii loo soo diray ayey la kulmeen koox Xildhibaano iyo siyaasiin ah oo aysan ka qasneyn.

1. Shiishad iyo qayilaadda waa joogto.

2. Habeen walba qamro ayaa la keenaa oo lagu cabbaa meesha.

3. Gabdhaha koox koox ayey u yimaadaan, jaadka, qamrada iyo shiishada ayey dhankooda ka isticmaalaan, iyagana waa la rafaadiyaa.

4. Waxaa caado ah in raggana ay hoos gunti wataan, gabdhahana googorad kaliya inta majliska la joogo.

5. Heeso xul ah ayaa mar walba shidan

6. Marka uu istiinkoodu siiyo salaad jamaaco ayey ku camirtaan isla meeshaas

7. Lacago badan oo xaaraan ah ayaa guriga la keenaa, oo siyaasiintu midba meel ayaa deked u ah oo lacag ka dhuuqaa.

8. Ragga iyo dumarka gurigaas ku rafaadsan marka ay meesha ka soo baxaan waa wada nadiif, asturan, edeb badan. Kkkk

9. Qof la dilay, mid la shirqoolay oo la qaarajiyey, mid xirnaa oo lacag laga qaatay oo la sii daayey, mid madaxfurasho laga qaatay, daroogo la dallaalay, hub Alshabaab loo gudbiyey iyo basaasnimo iyo qarbudaad uun baa laga sheekeystaa.

Sheydaamadii guriga loo soo diray 5 habeen markii ay joogeen, welina aysan wax shaqo ah qaban ayey is eeg eegeen, mar warqaddii ay u qornaayeen hawlihii loo soo diray ayey eegaan, marna dadka badda ay ku dhex jiraan ayey eegaan. Intay aad u yaabeen ayey u laabteen kii soo diray, kaddib wuxuu weydiiyey “maxaad soo qabateen?” waxay dheheen “waxba”. Wuxuu kaluu weydiiyey “sababta?” waxay ku yiraahdeen bal na raac e adigaba soo arag meesha.

Markii uu soo raacay, habeen dhan uu meeshii la joogay ayuu ku yiri “war meesha inaga wada.” Waxay dheheen maxaa dhacay, wuxuu ku jawaabay tan intii aan isla naqaanay way dhaaftay, waa casharro inaga weyn, kuwan inta yeysan anaga ina fasahaadinin waa in aan ka tagno meeshan, haddii kale fidnadooda ayaan ku dhaceynaa.

Sheydaankii wuxuu farriin u diray kii isaga ka sii sarreeyey, wuxuuna ku dhahay, waxaan markii iigu horreysay ogaaday insiga in ay ku jiraan kuwo inaga daran oo shayaadiinta askarta inoo ah in ay inaga fidneeyaan aan ka baqayo, ee kaala ila arag. Ibliiskii weynaa ee uu Sheydaanka weyn u vid dirsaday ayaa la sugayaa.

Waxaa Qoray: Abuukar Al-Badri

Hadalsame Media