DF oo ciyaaraysa xeelad ay indhaha dadwaynaha ugu soo jeedinayso Deni & Madoobe (Arag shaxdan)

0

(Muqdisho) 01 Sebt 2020 – Waxaa maanta magaalada Muqdisho imanaya MW Puntland & Jubbaland, Siciid Deni iyo Axmed Madoobe, kuwaasoo wada diidey ku dhowaad dhamaanba tillaabo kasta oo ay qaadday DF Somalia.

Haddaba, DF ayaa qadyaan ka taagan labadan nin oo mararka qaar ay diidmadooda lafteedu is diiddo, iyaga oo taageera wax ay horay u diidanaayeen ama diida wax ay horay u taageersanaayeen.

Tusaale, xilligan kala guurka ah oo kale 2016-kii waxay Puntland taageersanayd doorasho degaan iyo xisbi ku dhisan, iyada oo diidanayd mid dadban oo ku dhisa 4.5, halka ay maanta kuwaa doonayso oo ay diiddan tahay kuwii ay rabtey 4 sanadood kahor.

DF ayaa maanta wada xirtey dhamaanba jidadka magaalada Muqdisho, taasoo ay aad u karaahsadeen dadka magaalada Muqdisho oo ah meesha qura ee ay xukunto DF oo 15 sano Xamar uun joogta.

Dadka qaar ayaa waxay fasirayaan inay DF qaadday tillaabo nimankan lagu sii nacsiinayo shacabka Soomaaliyeed, taasoo lagu fasiray in maanta magaalada Muqdisho oo idil kaligood loo xirey si loogu soo jeediyo indhaha shacabka ku dhaqan Muqdisho oo marka jidadka laga xiro oo ay danahooda qabsan waayaan jir ahaan u dareemaya dhibaatada ka dhalatay khilaafaadka joogtada ah ee ay nimankani mar walba u taagan yihiin, taasoo aan marna dhib mooyee aanay dheefi ugu jirin xitaa shacabka ay sheegayaan inay mas’uul ka yihiin, mustaqbal ahaanna u daran iyaga laftooda.

Hadalsame Media