RASMI: AC Milan oo qandaraaska u kordhisey kooxda Ibrahimovic (Lambarka uu qaadanayo)

0

(Milano) 31 Agoosto 2020 – AC Milan ayaa laacibka Zlatan Ibrahimovic u dheereysay qandaraaska isagoo lasii joogaya ilaa Juun 2021-ka isagoo mudadaa sanadka ah qaadan doona 7 milyan oo euro oo nadiif ah.

Saaka ayuu laacibku tegey Casa Milan si uu ula munaaqishoodo maamulka Milan, isagoo deeto tegey xerada tababarka Milanello, halkaasoo uu 3-da galabnimo ka mid noqday ragii uu diyaarinayey Stefano Pioli.

”AC Milan waxay ku faraxsan tahay inay ku dhawaaqdo inay heshiis la gaartey laacibka Zlatan Ibrahimović oo kooxda Rossoneri la joogaya ilaa 30-ka Juun 2021.” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Milan.

Laacibka oo Rossoneri markii 1-aad yimid 2010-kii, balse hadda kusoo noqday ayaa 85 kulan oo uu u saftay u dhaliyey 56 gool, kuwaasoo uu 11 ka mid ah sanadkan dhaliyey, isaga oo la qaaday 1 Scudetto iyo 1 Super Cup.

Wuxuu qaadan doonaa lambarka 11-aad oo uu horay u wadan jirey.

Hadalsame Media