Ilhaan Cumar oo horseed ka noqotay qaylodhaan laga keenay dad Muslim ah oo doofaar lagu khasbay!

0

(Washington, DC) 31 Agoosto 2020 – Xildhibaanno ay ugu horreeyso Ilhan Omar (D-MN), Rashida Tlaib (D-MI), iyo Andre Carson (D-IN) oo wada Dimoqraadi ah ayaa warqad u qoray Wasaaradda Amaanka Qaranka si baaris loogu sameeyo eedayn ku aaddan in saraakiisha Waaxda Socdaalka ee ICE ay doofaar ku khasbeen maxaabiis Muslimiin ah.

Arrintan foosha xun ayaa sida la fahamsan yahay ka dhacday Xabsiga Krome oo ku yaalla Miami halkaasoo la sheegayo in maxaabiista lagu khasbay inay kala doorto hilib doofaar ama hilib xalaal ah oo qurmey.

Warkan ayaa imanaya jeer ay horay u jireen eedaymo ku saabsan in lagu tunto maamuuska ku saabsan ixtiraamka diimaha dadka iyo sida loo meelaynayo, iyada oo aanu dastuurku ogolayn in Muslimka loo diido cuntada xalaasha ah, ama Yuhuudda loo diido Kosher-ka, hilib lagu khasbo Hidu-ga iwm.

Waxaa warqaddan sidoo kale wax ka saxiixay wakiillada Donald S. Beyer Jr., Judy Chu, Jim Cooper, Madeleine Dean, Ted Deutch, Debbie Dingell, Veronica Escobar, Sylvia R. Garcia, Jahana Hayes, Jared Huffman, Pramila Jayapal, Eddie Bernice Johnson, Marcy Kaptur, Rick Larsen, Barbara Lee, Jerrold Nadler, Eleanor Holmes Norton, Mark Pocan, Ayanna Pressley, Linda T. Sánchez, Jan Schakowsky, Albio Sires, Adam Smith, Juan Vargas, Nydia M. Velázquez, iyo Bonnie Watson Coleman.

“Maraykanka waxaa lagu asaasay mabaadiida xorriyadda diimaha iyo u sinnaantooda sharciga hortiisa,” ayay tiri Omar.

“Qisanadi waxay ugu dambeeysaa dhacdooyin muujinaya in la gabay mabaadii’daasi intii uu joogey Maamulka Trump — oo ku dhisan shisheeye iyo Muslim nacayb — waxaanay tani na xusuusinaysaa dadnimo xumada ka jirta xabsiyada ICE waase in sharciga la hor keenaa kuwa falkan ku kacay.” ayaa ku dhigan warqadda.

Hadalsame Media