DF Somalia oo sheegtay inay ku daba jirto madax ”dabaqyo ku dhistay” hantida dadwaynaha & gar iyaga ku naqsan

0

(Muqdisho) 30 Agoosto 2020 – DF Somalia ayaa sheegtay inay waddo isku day dabagal lagula sameeynayo dad ka xoolaystay hantida dadwaynaha oo dabaqyo gaar ah ku dhistay doolad aysan shaqaysan, sida uu sheegay Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya, Cabdinuur Maxamed Axmed.

Wuxuu intaa raaciyey in mas’uuliyiinta qaar oo aanu magac dhabin ay ku takri faleen hantida umadda, isagoo sheegay inay ka muuqato hanti ma guurto ah oo ka badan waxa ay caadiyan heli karaan, balse arrintaa la daba socdo.

”Dabaqyada Magaalada ka taagan qaarkood, waxaa maqcuul ah inuu dhistay qof shaqo hoose ka haya DF ama ay wax ku leeyihiin Mas’uuliyiin hore,” ayuu yiri Cabdinuur.

”Halka kuwo kalena lagu tuhmayo inay hantida shacabka ka dhisteen dhismooyina dabaqyo ah, haddii aan xeerka saxaafadda la helin dabagal laguma sameeyn karo.” ayuu daba dhigay jeer uu ka hadlayey Xeerka cusub ee saxaafadda.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa beri dhowayd xukunno ku ridey mas’uuliyiin lagu helay inay musuqeen xoolo dadwayne oo xilli xasaasi dalka loogu deeqay si loogu dabiibo dadka qaba Covid-19.

Yeelkeede, madaxda sare ee DF Somalia, ayaa laftooda lagu xantaa inaysan wax badan ka qabanin la dagaallanka musuqa, iyadoo badiyaa la qabto xaflado badan oo maalaayacni ah oo heeso iyo cashooyin ah, jeer ay dad badani la’yihiin wax ay maalintii cuntaan.

Waxaa intaa dheer in aanu weli jirin adeeg micne leh oo dadka looga qabto, xafiisyada dowladda ee ay dadku adeegyada u doontaanna loo adeegsado sidii ATM dadka danyarta ah looga shubto lacago aanay qaarkood heli karin, halkii adeegga bilaash looga dhigi lahaa. Akhri sheekadan….

Hadalsame Media

Facebook Comments