”Waa qaran-dumis” – Xoogagga Wadaniyiinta Hindiya oo Amir Khan ku maagay qoraal ay Twitter soo dhigtay xaaska Erdogan! (Maxaa dhacay?)

0

(New Delhi) 29 Agoosto 2020 – Kaddib markii ay 15-kii Agoosto ay xaaska MW Turkiga ee Emine Erdogan ay Twitter soo dhigtay kulan ay la yeelatay jilaaga wayn ee Bollywood ee Aamir Khan oo Turki ku jilaya film-kiisa ugu dambeeya ee Laal Singh Chaddha, ayay taasi keentay weerar lagu qaaday jilaaga.

Kooxaha xag-jirka ah ee Hindu-ga ah ayaa deeto aad uga caroodey sawirka uu Khan la galay xaaska MW Recep Tayyip Erdogan, oo si wayn u cambaareeyey go’aankii ay DF Hindiya maqaamkii gaarka ahaa uga xayuubisay Khashmiirta ay Hindiya maamusho 5-tii Agoosto 2019-kii taasoo ka dhigan in la dhimay awoodii xukun hoosaadka, iyadoo markaa kaddib handaraab la saaray.

Hindiya ayaa sidoo kale tillaabo ka qaadday Malaysia oo cambaareeysay tillaabada Hindiya ee Kashmir iyadoo mamnuucday saliid qumbaha uu dalkaasi u dhoofiyo Hindiya.

‘Qaran-dumis’

Khan, oo ka mid ah xiddigaha ugu waawayn Bollywood welibana aflaam micne badan isagu allifa, ayay kooxaha Hindu-gu ku sheegeen mid “qaran-dumis ah” oo aan “waddani ahayn” maadaama uu “cadawga” la saftay, sida ay yiraahdeen.

Arrinta ayaa aad loogu qaad qaaday baraha bulshada, iyada oo Facebook la dhigay faallooyin Muslim nacayb ah, iyada oo Facebook oo 300 oo adeegsade ku leh Hindiya lagu eedeeyey inuu indhaha ka qarsanayo faallooyinka ay wiifinayaan kooxaha Hindu-gu, sida uu qoray Wall Street Journal .

Bollywood actor Shah Rukh Khan
Shah Rukh Khan oo ka mid ah jilayaasha ugu muhiimsanaa Bollywood 30-kii sano ee tegey

Ururka midigta fog ah ee Rashtriya Swayamsevak Sangh (RSS), oo ah asalka aragtiyeed ee Xisbiga Waddaniga ah ee Bharatiya Janata Party (BJP), ayaa sheegay in Khan uu xiriir la yagleelay waxay ku sheegeen “cadowga Hindiya”, iyaga oo sidoo kale ku eedeeyey inuu jecel yahay “Dragon-ku”, oo ay ula jeedeen Shiinaha.

Khan oo 55-jir ah ayaa aad looga jecel yahay Shiinaha oo askar Hindi ah ku laayey xad ay ku muransan yihiin labada dal bishii Juun.

Khan ayaa sidoo kale danjire sharafeed u ah shirkadda telefoonnada sameeysa ee Chinese-ka ah ee Vivo, isaga oo Shiinaha ku sameeyey film-ka najaxey ee Dangal (2016), isla markaana wuxuu 1.16 milyan oo taageerayaal Shiine ah ku leeyahay Weibo oo u dhigma Twitter-ka.

Muslim nacayb sii laxaadsanaya

Tan iyo markii uu xilka qabtay RW Narendra Modi oo xubin ka ahaa kooxda hubaysan ee RSS iyo dowladdiisa BJP 2014-kii, waxaa xoogaystey nacaybka, weerarrada iyo soocitaanka Muslimiinta Hindiya oo 200m ah.

Bollywood's Three Khans

Kooxda RSS ayaa xitaa horay usoo jeediyey in la qaadaco aflaamta jilayaasha Muslimka ah gaar ahaan Shah Rukh Khan iyo Aamir Khan, iyadoo ay xukuumadda MODI soo rogtey xeer Muslim diid ah oo ay QM ku tilmaantay mid “takoor ku dhisan”, kaasoo ay ka dhalatay qalalaase ay ku dhinteen Muslimiin badan oo qaarkood jidka lagu diley iyaga oo lagu haysto inay wadeen hilib lo’aad.

Hadalsame Media