Imaaraadka oo looga kala siibtey xiriirka Israel (Maraykanka oo ku guuldarraystay inuu hal dalna…)

0

(Washington, DC) 29 Agoosto 2020 – Wasiirka Dibedda Maraykanka, Mike Pompeo, ayaa Khamiistii dib ugu laabtay dalkiisa, isaga oo aan hal dal oo Carbeedna ka dhaadhicin inay ku daydaan Imaaraadka oo ay xiririka la caadiyeeyaan Israel oo aan si kastaba ka tanaasulin cadibaadda ay ku haysey Falastiin.

Ninkan oo aad ugu janjeera dhanka nidaamka Tel Aviv, heer uu u shaqeeyey sidii Wasaarad Dibadeed 2-aad oo ay Israel leedahay, ayaa booqashooyin qalqaalo ahaa ku kala bixiyey Baxrayn, Cumaan iyo Suudaan, balse wuxuu kala laabtay fara maran.

Waloow ay Baxrayn iyo Suudaan ay iyagu si cad wejiga uga saareen inaysan wax xiriir ah la yeelanaynin Israel, Cumaan oo aalaaba dhexdhexaad ka ah arrimaha Khaliijka ayaan gebi ahaanba ka hadlin sababta uu Pompeo gobolka u yimi, waxayna ku gaabsadeen inay kala hadleen xiriirka iyaga kala dhexeeya Maraykanka.

Sucuudiga oo ah dalka ugu ballaaran Khaliijka, ayaa isaguna si cad u sheegay in aanu wax xiriir ah la yeelan doonin Israel, inta meel laga saarayo arrimaha Falastiin iyo Masjidka Qudus, taasoo ugu yaraan waqti xaadirkan meesha ka saartay sheegashadii Aqalka Cad iyo Israel ee ahaa inay dalal badani soo raaci doonaan Imaaraadka.

Hadalsame Media

 

 

Facebook Comments