”Dab baad ku ciraaysaan!” – Turkiga oo wacad ku maray inay soo ridi doonaan dayuuradaha Imaaraadka haddii…

0

(Ankara) 29 Agoosto 2020 – Turkiga ayaa wacad ku maray in aanu ka laba-labayn doonin inuu dhulka soo dhigo dayuuradaha Imaaraadka Carrabta, haddii ay kusoo xad gudbaan madax bannaanida gayi ee Turkiga ee dhanka Bariga Badda Dhexe, sida uu qorayo Al-Quds Al-Araby.

“Kama laba-labayn doonno in aan soo ridno haddii ay dayuuradaha Imaaraadku xitaa usoo dhowaadaan halka uu shaqada ka wado markabka wax sahmiya ee Oruç Reis oo haatan taagan meel u dhow jasiiradda Giriigga ee Crete ee Bariga Badda Cad,” sida ay saraakiil Turki ihi u sheegeen Al-Quds Al-Araby.

Oruç Reis ayaa haatan shidaal baaris ka wada Bariga Badda Cad, isagoo ay dusha ka ilaalinayaan maraakiib dagaal oo uu Turkigu leeyahay oo raxan ah.

“Wuxuu Imaaraadku isku deyayaa inuu dheelo door ka wayn xajmigiisa. Wuxuu ku ciyaarayaa dab. Haddii se uu soo galo hawada Turkiga wuxuu baran doonaa cashar adag.” ayay Turkigu raaciyeen.

Digniintan ayaa kusoo beegmaysa jeer uu Imaaraadka oo hiillo aan la fahmi karin u muujinaya Giriiggu uu halkaa u diray tiro ka mid ah dayuuradihiisa F-16 iyo kuwa rakaabka ciidanka qaada oo la geeyey jasiiradda Crete, si ay Giriigga oo ay dhoollatus wada sameeynayaan u taageeraan.

Bishii tagtay, Wasiirka Gaashaandhigga Turkiga ee Hulusi Akar ayaa Al Jazeera u sheegay in Imaaraadka oo wax kasta u sameeya inuu dhaawaco danaha Turkiga ay hadda kaddib u qabsan doonaan waxa uu sameeynayo, isagoo ku eedeeyey inay taageeraan kooxaha argagixisada ah.

Imaaraadka ayaan xitaa lahayn ciidan quman oo dalkiisa u dhashay, isagoo inta badan ku tiirsan calooshood u shaqaystayaal uu caalamka kasoo qorto kaddibna qalabeeyo.

Dad badan ayaa daandaansi u arka waxa Imaaraad gaynaya Badda Cad amaba uu ugu hiilinayo Giriig oo aysan jirin wax taariikh, derisnimo, dan muuqata iyo istaraatijiyad ah.

Hadalsame Media