DAAWO: Malmo oo holacdey kaddib markii Qur’aan lagu gubey magaaladaasi (Ninka kitaabka gubey & dalka uu u dhashay)

0

(Malmo) 29 Agoosto 2020 – Moowjad qalalaase ah ayaa ka dillaacday magaalada Malmo, oo ah caasimadda 3-aad ee Sweden kaddib markii ay gayfanayaan Islaam diid ihi ay gubeen kitaabka Qur’aanka Karriimka ah, taasoo markiiba keentay inay xaaladdu faraha ka baxdo oo meelo la gubo.

Ilaa 300 ayaa fiidnimadii Jimcaha bilaabay inay meel fagaare ah saacadda maxalliga ihi markii ay abbaareysey 7:30pm, iyaga oo ka cabanayey xubno ka tirsan midigta fog oo qabtay isu soo bax Qur’aan gubis ah, taasoo ay faafisay saxaafadda maxalliga ihi.

Waxaa intaa kaddi b sii xoogeystey dibad bixii looga hor jeedey, kaasoo ay dadku markii dambe gawaari badan dab qabadsiiyeen, waxaana khasab noqotay in loo yeero booliis dheeraad ah oo xoojin ah, si ay xaaladda caadi ugu soo celiyaan.

“Waxay xaaladdu gaartey heer ay fareheenna xaaladi ka baxday,” ayuu yiri Rickard Lundqvist oo Booliiska u hadlay.

Ninka kitaabka gubey ayaa ah nin u dhashay Denmark oo cunsuri ah, sida ka muuqata muuqaalkan hoose.

Hadalsame Media