Waa kee dalka Muslimka ah ee Turkiga gacanta ka siiyey inuu xeebihiisa ka helo GAASKII abid ugu badnaa?!

0

(Ankara) 28 Agoosto 2020 – Ilaa 8 injinneer oo Indonesian ayaa qayb ka ahaa kooxdii khubarada ahayd ee soo saartay kayd gaaskii abid ugu waynaa ee laga helo xeebta Turkiga ee Black Sea.

MW Recep Tayyip Erdoğan ayaa Jimcihii tegey ku dhawaaqay inay heleen gaas ceegaaga xeebtooda dhanka Badda Madoow oo gaaraya 320 bilyan mitir kubbo oo gaas dabiici ah, kaasoo lagu wado in lasoo saaro 100-guurada Jamhuuriyadda casrigan ee Turkiga oo ku beegan 2023-ka.

“Dad badani ma lahayn aqoonta iyo khibradda nooca qodista loo yaqaanno ”wireline drilling.” Sidaa darteed baannu qorannay dadka maxalliga ah si aan u tababarno shaqaale Turki ah,” ayuu yiri Injinneer Beni Kusuma Atmaja oo u dhashay Indonessia.

Marka laga soo tago, waxaa jirey rag kale oo kala ah: Randyka Komala, Bahriansyah Hutabarat, Rifani Hakim, Dian Suluh Priambodo, Hardiyan, Indra Ari Wibowo iyp Ravi Mudiatmoko oo ah khubaro Indonesian ah oo Turkiga ka caawiyey sahminta gaaskan.

Imam Asari, oo ah Qunsulka Guud ee Indonesia u jooga  Istanbul, ayaa isaga oo ku faanaya dadkiisa yiri, “Waa inay arrintani tusaale u noqotaa inay dhallinyaradu wax bartaan si ay wax wayn u sameeyaan.”

Marka Turkey laga yimaado, waxay injinneerrada Indonesian-ka ee leh xirfadda sahminta saliiddu la shaqeeyaan sharikaadka Malaysia, Imaaraadka iyo Maraykanka.

Hadalsame Media