”Ma aha in towskaygu talo xumo keeno!” – RW Japan oo is casiley & xaaladdiisa oo laga dayrinayo

0

(Tokyo) 28 Agoosto 2020 – RW Japan ee Shinzo Abe ayaa maanta ku dhawaaqay inuu xilka iskaga tegayo kaddib markii uu kasii daray caafimaadkiisu, taasoo halkaa ku joojisey 8 sanadood oo uu dalkaa ka talinayey.

Abe, oo 65-jir ah, ayaa ku dhawaaqay inuu kasii daray nooc ka mid ah boog-calooleedyada darsada oo uu muddo la tacaalayey, kaasoo uu sheegay inuu ka qaaday tamar iyo daaqad badan, isagoo muddo badan ku lumiyey dawooyin uu qaadanayey oo ka mashquuliyey inuu si wanaagsan ula tacaalo xasaradda coronavirus.

”Waxaan la hardamayey dawaynta jirradayda. Ma aha inay caafimaad xumo sababto talo xumo,’ ayuu Abe ka sheegay shir jaraa’id.

Xamxamta ku saabsan caafimaadka RW Abe ayaa muddaba hawada ku jirtey, balse waxay sii laxaadsatey kaddib markii uu maalmihii yaraa ee tegey uu laba jeer isbitaalka booqday.

Waxaa kale oo jira xogo sheegaya in la arkay Abe oo dhiig matagaya – taasoo ka dhigan in 13 sano kaddib uu xilka uga tegayo isla jirradii uu hadda kahor isu casiley, iyada oo jirrada haysaa ay tahay mid si tartiibtartiib uga soo darta.

Hadalsame Media