Turkiga oo DF Somalia ku wareejiyey gawaari gaashaaman oo casri ah & nooca + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2020 – Turkiga ayaa DF Somalia ku wareejiyey nooc ka mid ah gaadiidka gaashaaman ee uu isagu farsameeyo.

Gaadiidkan ayaa ah nooca uu Turkigu soo saaro ee Vuran 4X4 oo hubka culus iyo ciidanba qaadi kara. Waxaa isticmaala Ciidanka Turkiga iyo dalal kale, iyadoo loogu bogey dagaallada Suuriya, Libya iwm.

Waxaa gaarigan oo ay farsamaysay BMC uu adkaysi u leeyahay weerrarrada gaadmada ah ee ku dhufoo ka dhaqaaqda ah (ARV).

Xil-gaarsiiyaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS ayaa si rasmi ah ula wareegay gaadiidka gaashaaman ee ay Dowladda Turkigu ugu deeqday Somalia.

Munaasabad kooban oo lagu qabtay Dekadda Muqdisho oo ay gaadiidkani kasoo degeen, taas oo ay joobjoog ahaayeen sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Cali Maxamed Amar-dambe , Taliyaha Xoogga Jeneraal Odawaa yuusuf Raage iyo Safiirka Dowladda Turkiga u joogaa Somalia ayaa lagula wareejiyay gaadiid Gaashaaman oo ah nuuc casri ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaallo xooggan oo lagu dhisayo Ciidanka Xoogga Dalka waxaana arimahaas barbar socda qalabeynta Ciidamada iyo tayaynta hab-raaca, mugga, mabda’a iyo dishibiliinka ciidamada oo weli aad qabyo ugu jirto.

Hadalsame Media