”Ma waxaad doonaysaa shaqo kuu ”QALANTA” mise midda suuqa taalla?!” – Sheeko micne leh

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2020 – Hadda ka hor, ayaan fariin ka helay arday ka mid ah ardaydii aan Jaamacada Macalinka u- ahaa. akhris kadib, fariintii waan uga jawaabay, waxaana ballanay Maalin Jimce ah. Ardaygii markii aan kullanay waan waraystay, waxaana uu ii sheegay inuu talo iga doonayo, maadaama uu Jaamacadii dhameeyey 2 sano ka hor, welina uu san shaqo toos ah helin.Waxaan ku iri; ”Ma waxaad rabtaa inaad ka shaqayso waxa suuqa ka banaan mase inaad hesho shaqo kuu qalanta.” Aamus yar kaddib, waxa- uu yiri, ”Waxaan rabaa inaan ka shaqeysto waxa suuqa ka banaan.” Hagaag, waxaan kula taliyey inuu lix bilood (6) barto Xirfada Dabka.

Gaadiidka, Mobile-ka qaaliga, saacadda qaaliga iyo dharka uusan xiran inuu iska iibiyo ayaan kula taliyey, si uu agabkii shaqada loogu tababari lahaa iyo khidmadii barashada Xirfada isaga bixiyo. wuu aqbalay. waana bilaabay Koorsadii.

Waxaa wax lagu farxo ah, waqti kooban kadib, Geerash ama garaash yar ayuu furtay, shaqaale cusub oo ka khibrad badan ayuu qortay, lacag fiicanna wuu helay, khibrad iyo sumcadna wuu samaystay.

Dhalinta da’da yar ee ka soo baxa Goobaha Waxbarashada dalka oo raadinaya shaqooyinkoodii ugu horreeyay, waxay dhibaato kala kulmaan helida shaqada, waayo waxaan is lahayn baahida shaqo ama xirfadeed ee suuqa ka banaan iyo Aqoontooda, sidaa daraadeed waxa lama huraan ah iney aqoontooda ku kabaan xirfadaha gacanta laga qabto ”Technical skills”.

Dowladana waxaa laga rabaa iney keento Qorshe Qaran oo dhalinta shaqo loogu abuurayo, gaar ahaan in ay xal u hesho, wax soo saar la’aanta iyo ku tiirsanaanta dhaqaale ee wax soo dejinta. Culimada Dhaqaaluhu waxay dhahaan,”Importing means Exporting your Jobs,” oo micnaheedu yahay ku tiirsanaanta wax soo dejinta waxay la micna tahay dhoofinta shaqooyinkaagii.

Tusaale waxaa inoogu ku filan; Guri yar oo la dhisayo ayaa ka shaqo abuur badan, shirkad nooca dhexe ah oo la furayo, waayo dhismaha Gurigaas yar waxa- uu- u abaahan yahay; Engineer, Fuundiyaal, Tubaystayaal, Korontiistayaal, Wasaad, Muqaabil, kalkaaliyaal, farayaamo, Feeriyoole, Alxanle, Ranjiile, Mutuleelka kuwa dhiga, iyo kuwa Aqallaada xir xira. Halka shirkada cusubi ay u baahan tahay ugu badnaan 5 qof oo keliya.

Diinteena islaamku waa Diin dhinac walba ka dhameys tiran, waxyaabaha ay dhiiri geliso waxaa ka mid ah, dadku in ay shaqaystaan oo xirfad yeeshaaan, Sababta oo- ah waxay xiriirisay qeyb ka mid ah Tiirarka Islaamka iyo in qofku Tabcado; “Ilaahay Quraankiisa wuxuu ku yiri “Marka la gaaro waqtiga Salaada Jimcaha, usoo deg dega Cibaadada- oo ka’ imaada Goobihiina Ganacsi, haddiise aad tukataan Salaada, dareera oo shaqa taga. lama dhihin masaajidka sii fadhiya, Nasta iyo Seexda.

Sakada iyo Xajkuna waxay ku waajibaan qofkii shaqeysta oo Tabcada Hanti iyo maal, waliba marka lagu-donayo Xajka, gaar ahaan; Maalinta Carafo, oo Xajka ugu muhiimsan, waxa uu Ilaahay u baneeyey qofkii raba inuu shaqeysto. Sadaqada oo kamid ah cibaadooyinka waaweyna waxaa Ilaahay “Quraankiisa ku sheegay” oo inna faray inaan ku bixino wixii aan shaqaysano ama ka ganacsano- oo xalaal ah. Rasuulkeena Muhamed “NNKH” waxa uu yiri “Qofna ma cuno cunto ka khayr badan wixii ay gacmihiisa soo shaqeeyeen”.

SHAQADU WAA SHARAF

Waxaa Diyaariyey: Maxamed MahadHadalsame Media