Kuraasidii Qaybta Khaaska ah ee VIP oo lagu rakibay Istaadiyo Muqdisho + Sawirro

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2020 – Waxaa weli socda dhamaystirka waxyaabihii ka dhimanaa Garoonka Kubbada Cagta ee Istaadiyo Muqdisho.

Kaddib markii shalay lasoo dejiyey saacaddii waynayd ee Garoonka, waxaa maantana la rakibay kuraasida qaybta dadka khaaska ihi fariistaan ee VIP.

Waxaa lagu rakibay kuraasi xambaarsan midabbada qaranka ee buluug cireedka iyo caddaanka oo ay dhaka-saarta uga tolan tahay xiddigta qaranka.

Garoonkan ayaa waxaa dhismihiisa gacan wayn ka gaystey Xiriirka Caalamiga ah ee FIFA iyo dhinacyo kale waxaana garoonka la dhigay cows macmal ah oo heer caalami ah, isagoo noqonaya qaybtii 1-aad ee dib u dhis lagu sameeyo marka la eego guud ahaan Tuulada Ciyaaraha ee Istaadiyo Muqdisho.

Waxaa lagu wadaa in dib u dhis isna lagu sameeyo Garoonka Kubbada Kolayga, Dabaasha iyo Teeniska Dheer. Sidoo kale Hoteelkii Garoonka ayaa isna lagu wadaa in dib loo dhiso mustaqbalka dhow haddii Alle idmo.

Hadalsame Media