Jaadka Itoobiya & Kenya mid baan la joojin karin (Sababta & gobol Jaadka u jabay)

0

(Hadalsame) 27 Agoosto 2020 – Qaadka Kiiniya dalka waa la ga joojin karaa, waayo dhul soohdinta ka fog buu ka baxaa, haddii diyaaradaha la ga joojiyana si fudud dhulka loo gu ma soo tahriibin karo.

Go’aankaa maanta yaalla in la sharciyeeyo uun baa loo baahan yahay, waxaan se arkaa in durba sidii loo furi lahaa gorgortan la gu jiro.

Ka Itoobbiya ka yimaadda isaga la ma joojin karo cillado badan dartood. Waa mare, dadka Waqooyigu qaadka waa ay u jabeen oo isu dhiibeen.

Waa ta labaade, wuu dhow yahay isla markaa soohdin aad u ballaadhan baa u furan oo la ga soo galin karaa.

Waa ta saddexaade, reer Soomaalilaand siyaasad ahaan Xabashida waa ay u gumaysan yihiin oo ku ma dhacaan in ay daroogadaa iska xidhaan.

Fasax ama jooji, cun ama ha cunin, xaqiiq waxaa ah qaadku waa masiibada u gu weyn ee soomaalida haysata: dhaqaale ahaan, caafimaad ahaan iyo dhaqan bulsheed ahaanba.

Duul aan iyagu is doorinna Ilaahay ma dooriyo.

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media