Adeeg xumo, xirfad xumo & lacago badan oo laga xayuubsado dadka taga xafiisyada DF (Arag caddayntan)

0

(Muqdisho) 27 Agoosto 2020 – Subax hore bay iskaaga soo kay dhacday in aan leesin qaato. Waxaan ku jarmaaday waaxda dabagalka dambiyada ee C.ID. oo warqaddoodu ay wax walba ugu horrayso.

Waxay markii hore ii direen qolo kale oo dallad camal u abaabulan oo ay Midnimo dhahaan. Qoladaan waa isku xirka iskuullada gaari wadista.

Foom ayaan soo buuxbuuxiyay. C.I.D. markaan ku soo laabtay waxay ii direen in islaan bannaanka hore miis la fadhisa aan ka soo gato af-xirka maalmahaan cudurka karoonaha looga gaashaanto. Nus doollar bay iga siisay.

Gudaha markaan galay dadkii shaqaynayay iyo ciidankii midkoodna afku uma xirnayne dadka ila midka ah uun baa gafuur duubnaa. Saddex doollaroo isdiiwaangelin ah iyo saddex kaloo sawirro ah baa layga qaaday.

Xoogaa baan sugay in la ii waco. Saacad ku dhowaad baan meel fadhiyay. Mar ay qorraxdii Xamar shan saac taagan tahay baa la i yiri gabadhaas u tag faro ayay kaa qaadaysaa. Gabadhu waa mid yaroo dar Alle iskaaga xanaaqsan.

Baasaboor aan markii hore gacanta ku watay bay i tiri ” halkaan leesin baa loogu talagalaye maxaad kala soo doontay”. Waxaan iri ” sharci diidaya miyaa jira in halkaan baasaboor lala soo galo”. Kor bay ii fiirisay. Inyar bay aamustay ayay tiri. “Maanta xabsiga in aad liinta ku cabtid baad rabtaa”.

Liintu iyadoo lacag ah baan ogaaye middiinu ma bilaash baa ayaan ku iri. Dad iga dambeeyay baa hoosta ka qoslay. Way sii kululaatay iyadoo leh ” dheel dheel baad mooddaa balse liin ayaa lagu cabsiinayaa”.

Meeqo galaas baad iigu talagashay baan iri. Islaan kaloo markii horaba iyada la sheekeysanaysay oo waxa na dhex marayna maqlaysay baa soo boodday ” wiiloow afkaada xir waad gardaran tahay”. Anigii oo gardarradeeda layaabay ” adigu meesha miyaad ka shaqaysaa”.

Intii aysan tii ii jawaabin gabadhii yarayd baa mar kale igu soo fududaatay. Tobankeeyga farood mid walba oo ka mid ah markii ay warqadda saaraysay waxay lahayd ” in aad liin cabto miyaad rabtaa”. Markii aan ka soo tagayay ayay igu tiri ” berri toddoba saac ayaad warqaddaada ka dhex arkaysaa ee waqtigaas baa inoo ballan ah”.

Waan ka soo tegay. Maalinkii xigay markaan laabtay waxaan ogaaday in magaca hooyadeey meel laga qalday iyo in meesha aan ku dhashay ay Yemen ka dhigtay. Waan la laabtay warqaddii oo xafiis kalaan galay.

Wixii dhacay baan u sheegay. Shaabaddaas dembi la aanta muujinee baa lagu dhuftay ee Yamantii waxba lagama beddelin. Waxaan ka soo tegay anigoo is leh toloow hadday Soomaalinimada kaa saarayso maxay Paris iyo Washington kuugu qori waysay oo ay Yaman oo duqayn waalan ku socoto kuula aadday.

Markii aan ka soo baxay xaruntooda waxaan liin ka soo cabay isgoyska Taleex, balse bilaash ma ahayne lacagtaydaan ku gatay.

Waxaa Qoray: Cabdirisaaq Xasan Jidhi

Hadalsame Media