Sida uu ku bilowday dagaalka uu ku lug yeeshay Harry Maguire & walaashiis oo halis wayn gashay! (Laacib u fidiyey hiillo lama filaan ah)

0

(London) 26 Agoosto 2020 – Kabtanka kooxda Man United, Harry Maguire ayaa wajahaya eedaymo sida dagaal uu sameeyey, aflagaaddo afeed, weerar uu Booliiska Giriigga ku qaaday iyo isku day laaluush kaddib markii uu dagaal ku galay gasiiradda Mykonos.

Daafacan 27-jirka ah ayaa durba laga cunay xulka qaranka Ingiriiska, gaar ahaan kulamada soo aaddan ee Iceland iyo Denmark.

SIDEE WAX U DHECEEN? Harry Maguire ayaa la sheegay in jeer uu saaxiibadii la joogo meel baar ah ayay laba nin oo Albanian ihi walaashii Daisy waxay daroogo, weliba nooca la siiyo haweenka la doonayo in la kufsado, ugu dareen cabitaan, sida uu sheegayo qarreenkiisa.

Daisy ayaa markiiba meesha ku dhacday, taasoo keentay inuu baarkii dagaal ka bilowdo, kaasoo u dhexeeya guruubkii gabadha iyo Albanian-kii.

Booliiska Giriigga ayaa sheegay in ay arkeen Maguire iyo saaxiibbadii oo dagaal ku jira meel jidka dhiniciisa ah.

Maxkamadda ayaa loo sheegay in Maguire iyo kooxdiisu ay codsadeen in isbitaal la geeyo, balse toos loo geeyey saldhig booliis iyada oo ay sheegeen inay booliisku ku yiraahdeen: ‘Waayahaagii ciyaareed waa dhamaadeen’.

Yeelkeede, sarkaalka Mickolos Kolios ayaa sheegay in ay hayaan cadaymo ku aaddan in Maguire uu bilaabay inuu booliiska riixo isagoo ku qaylinaya inuu ”taajir yahay oo uu lacag siin karo haddii la sii daayo.’

Dadka kabtanka Man UTD usoo hiilliyey waxaa ka mid ah daaficii ay Woqooyi Galbeed ku xafiiltami jireen ee Jaime Caragher oo sheeko ”maalaayacni ah” ku sheegay warka Booliiska Giriigga.

Hadalsame Media

Facebook Comments