Saacaddii Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo Muqdisho kasoo degtey + Sawirro

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2020 – Waxaa magaalada Muqdisho soo gaarey saacaddii waynayd ee Garoonka Istaadiyo Muqdisho oo haatan dib loo dayactiray.

Saacaddan wayn oo iyada oo furfuran timid ayaa lagu bedelayaa middii hore ee ku xirnayd Garoonka oo dagaalladii ku burburtay.

Saacaddan ayaa waxaa imaansheheeda dib u dhigay cudurka Covid-19, iyadoo lagu wadey in ay garoonka ku xirnaato kahor bishii Luulyo ee hore.

Garoonkan ayay 70-meeyadii Shiinuhu ku dhiseen mashaariic qayb ka ahayd abaalmarin ay Shiinuhu siinayeen Somalia oo ka mid ahayd dalalkii ku taageeray inay ku biiraan QM, iyadoo ay horay kursigaas ugu fadhin jirtey Taiwan oo horay u sheegan jirtey inay Shiinaha oo dhan iyadu xukunto.

Halkan hoose ka daawo sawirrada….

Hadalsame Media

Facebook Comments