MW Farmaajo oo rikoodh taariikhi ah dhigay & taatikada ka dambaysa

0
(Muqdisho) 26 Agoosto 2020 – Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa noqday, madaxweynihii ugu horreeyey abid ee Somalia ee aan 30 cisho gudohood ku soo magacaabin Raysal Wawasaare cusub, tan iyo 1960-kii.

 Madaxweyne Farmaajo oo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyrre 16 maalmood kusoo magacaabay, ayaan weli ninkii bedeli lahaa keenin tan iyo markii la tuuray 25-kii Luulyo.

Dad badan ayaa shalay ilaa xalay ka war sugayey arrintaas, balse taasi ma dhicin oo ma jiro qof ilaa haatan lagu dhawaaqay.

Waxaa jirtey caado siyaasi ah oo ahayd in Ra’iisul Wasaaraha lagu soo magacaabo muddo 30 cisho gudahood.

Yeelkeede, marka Dastuurka la eego waxaa Axdi Qarameedkii 2004 lagu qoray inuu Madaxwaynuhu 30 cisho haysto balse loo kordhinayo haddii uu codsado.

Dhanka kale, waxay dadka qaarkood arrintan ku tilmaameen isku day qayb ka ah istaraatijiyadda muddo kordhinta, iyadoo ay mucaaradka qaarkood soo jeediyeen in RW xil-gaarsiinta ah la daayo si waqtigeeda loogu qabto doorashada.

Hadalsame Media