Masar oo KHATAR aan horay loo arkaynin ka dhex aragta heshiiska Imaaraadka & Israel

0

(Qaahira) 26 Agoosto 2020 – Madaxda Masaarida ayaa la sheegayaa inay walaac ka muujiyeen heshiiska Imaaraadka iyo Israel, kaasoo ay u arkaan inay meesha ka saarayso muhiimaddoodii ahayd inay iyagu u dhexeeyn jireen Carabta iyo Tel Aviv.

Masar ayaa doorkaas ciyaaraysey tan iyo markii ay Israel la heshiisey 1979-kii, iyada oo wadi jirtey wax lagu sheego ”geeddi socodka nabadda” oo aan abid wax miro ah dhalin, iyada oo saamayn ku yeelatay caasimada Galbeedka.

Haatan waxay Qaahira dareensan tahay in haddii ay dalalka Khaliijku toos ula xaalaan Tel Aviv uu meesha ka baxayo doorkeedii oo ay hoggaaminta Carabta la wareegayaan Sucuudiga iyo Imaaraadku.

Masar oo ah dal dalxiiska ku tiirsan ayaa sidoo kale iskaashiga ku jira heshiiska Imaaraadka-Israel sida waxbarashada, dalxiiska iwm u aragta mid wax looga jiidanayo maadaama ay Abuu Dabeey leedahay fursado dhaqaale oo iyaga ka badan.

Arrintan ayaa laga dareemayaa Masar gudeheeda oo marka laga tago soo dhowayn af kala bax ah oo uu sameeyey MW Abdel Fattah al-Sisi aan heshiiska xitaa lagu hadal haynin warbaahinta dalkaasi.

Arrintan ayaa laga garaa sida ay u luntay midnimadii iyo qaddiyaddii Carbeed, iyada oo waxa haatan lagu kala masayrayaa ay yihiin koodii soo salaami lahaa madaxda Israel.

Hadalsme Media