Kaddib Imaaraadka MBS oo isna daqiiqaddii ugu dambeysey ka baxay kulan uu la yeelan lahaa RW Netanyahu + Sababta

0

(Riyaad) 26 Agoosto 2020 – Dhaxalsugaha Sucuudiga ee Maxammed bin Salmaan, ayaa ka baxay qorshe horay u degsanaa oo ahaa inuu booqdo Washington DC si uu halkaa todobaadka soo aaddan ugula kulmo RW Benjamin Netanyahu.

MBS ayaa ka war helay inay dadku ogaadeen booqashadiisa oo uu markii hore doonayey inuu ka dhigo mid ”hoosta ka cun” ah, wuxuuna ka baqay in ay joogistiisu ”calwasaad” isu bedesho.

Lama oga qaabkii la doonayey inuu kulankani u dhaco balse wararka qaar ayaa sheegaya inuu doonayey in la duubo kaddibna lasii daayo xilligii lagu ballamo.

Bale kulankan oo ay dabada ka riixayeen MW Maraykanka ee Donald Trump iyo wiilka uu sodogga u yahay ee Yuhuudka ah ee Jared Kushner oo labaduba ah kuwo u khidmeeya danaha Israel, ayaa MBS ka dhaadhiciyey inay arrintani u wanaagsan tahay muuqaalkiisa oo ay ka dhigayso ”nabadoon da’yar oo Carbeed”, xilli ay labadoodu dalalka Carbeed ku cadaadinayaan inay isu dhiibaan rabitaanka Israel.

MBS ayaa ogolaaday inuu kulankaasi dhaco isagoo codsaday in laga aqbalo in uusan hadda si rasmi ah u aqoonsan Israel, balse dhicitaanka kulan noocaas ah ayaa iidheh bilaash ah u noqon lahaa qaddiyadda Israel oo doonaysa inay dalalka Islaamka ah ka dhaadhiciso inay heshiis doonayso, tiiyoo aanay jirin hal sheey oo ay ka tanaasushey.

Horay ayaa goorta, goobta iyo maamuskaba loosii qoondeeyey. Wuxuu MBS Washington DC iman lahaa 31-ka Agoosto oo ku beegan dhamaadka Shirwaynaha Jamhuuriga.

Waxa ay noqon lahayd booqashadiisii ugu horreeysey tan iyo bishii Maarso 2018-kii, markaasoo uu joogey muddo 3 todobaad ahayd.

Maraykanka ayaa aad u doonayey inuu kulankani dhaco isagoo Bariga Dhexe u diray Wasiir Dibadeedka Mike Pompeo iyo Kushner, balse waxay baaqashadani imanaysaa maalin uun kaddib markii uu Imaaraadku kansalay kulan ay la yeelan lahaayeen Danjiraha Maraykanka ee Kelly Craft iyo wefdi Israeli ah Jimcaha soo aaddan, iyaga oo ka caroodey diidmada qayaxan ee Netanyahu u adeegsadey in F-35 laga iibiyo Abuu Dabeey.

Hadalsame Media