Facebook oo is bedelaya bisha soo socota & muuqaallo meesha ka baxaya

0

(Menlo Park, CA) 26 Agoosto 2020 – Muuqaalkii soo jireenka ahaa ee Facebook ayaa gebi ahaanba meesha ka baxaya bisha soo aaddan ee Sebtembar, taasoo ka dhigan inuu qof kasta ku khasbanaan doono naqshadda cusub.

Naqshaddan cusub oo laga dhawaaqay shir uu maamulka Facebook sanadkii tegey yeeshay, ayaa markii hore lagu bilaabay apps-ka iOS iyo Android, halka Maarso lasoo bandhigay a desktop-ka cusub waloow dadka dookh loo geliyey inay naqshaddii hore sii haysan karaa, balse waa ilaa Sebtembar oo qura dib dambena u arki maysid.

Facebook ayaa sheegay in naqshadda cusubi ka sahlanaan doonto kana dhaqse iyo casrisan tahay midkii hore, waxaana meesha ka maqan buluug badeedkii dugulka ahaa ee faraha badnaa, waxaad sidoo kale adigu dooran kartaa midab kale haddii aad caddaanka badan dhibsanayso.

Dad badan ayaan hubaashii bilowga la dhci doonin naqshaddan cusub, halka ay qaar kale ku sheegeen mid loo baahnaa oo la jaanqaadaysa tiknolojiyadda mustaqbaliga ah, dookha iyo rabitaanka hadda jira.

Hadalsame Media