DF Somalia oo shuruudo ka kooban 5 tibxood ku xirtey inay dib u fasaxdo JAADKA (Akhri shuruudaha)

0

(Muqdisho) 26 Agoosto 2020 – DF Somalia ayaa markii ugu horreeysey Kenya u bandhigtay tibxaha shuruudda ay dib ugu fasixi karto Jaadka ay Somalia kasoo iibsato Kenya.

DF ayaa soo bandhigtay waxyaabaha ay ka doonayso inay marka hore fuliso kahor inta aan Jaadka xayiraadda laga qaadin.

Waxaa tibxaha Somalia ka mid ah:

1 – Inay Kenya ula dhaqanto Somalia sidii dal aynigeeda ah oo ay joojiso siyaasadda ay ku yaraysanayso qarannimada Somalia.

2 – Inay joojiso faragelinta arrimaha maxalliga ah ee Somalia isla markaana ay raalli gelin rasmi ah ka bixiso kusoo xadgugubka joogtada ah ee hawada Somalia.

3 – inay iibsato wax soo saarka iyo badeecooyinka Somalia si meesha looga saaro nuqsaanka ganacsi (trade deficit) maadaama ay Kenya lacag adag uun soo qaadato, balse aanay waxba kasoo iibsan dalka.

Waxaa la faray inay iibsadaan kalluunka, bariiska, sonkorta, malabka, hilibka iyo caanaha.

4 – Inay Kenya joojiso duullimaadyada Somalia ee ay 2 jeer baarayso ee ay rakaabka ku silcinayso Degmada Wajeer.

5 – Somalia ayaa dalbatay in wixii ku saabsan labada dal ay kaliya kala hadlayso Dowladda Kenya oo iyadana sidoo kale laga dalbaday.

Kenya oo muddaba siyaasad fashilan ku wajahaysa Somalia ayaa jawaab laga dhowrayaa.