XOG: Maamulka Sirdoonka Qaranka oo lagu wargeliyey inay ”siyaasadda faraha kala baxaan”

0

(Muqdisho) 25 Agoosto 2020 – Waxaa warar dheeraad ihi kasoo baxayaan waxa looga arrinsaday kulan saacado badan socdey oo xalay xilli dambe gaarey oo ay Xamar ku yeesheen Madaxweynihii hore, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha Sirdoonka Qaranka (NISA), Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.

Waxaa kulankan xog ka bixiyey Agaasimihii hore ee isla Nabad Sugidda, Md Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo haatan xubin ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo Xasan Sheekh.

Wuxuu tilmaamay in kulankani uu dhacay kaddib markii uu sidaa codsaday Madaxa NISA, waloow uu sheegay inuusan ka badnayn kulan salaan iyo is waraysi ah, sida uu u sheegay Idaacadda Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

Sanbaloolshe ayaa intaa raaciyey in Xasan Sheekh uu Fahad Yaasiin u bandhigay codsi ah in ay ku fiican tahay in maadaama uu yahay madaxii amaanka qaranka aysan wanaagsanayn inuu siyaasadda dhex boodo, si aysan halkaa uga dhalan dano is diidaya (conflict of interest), isagoo meesha ka saaray in laga wada xaajoodey RW xiga.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed u caddeynayaa, anigoo ku hadlaya magaca Xisbiga UPD, in aan la isku soo qaadin wax la xiriira arrimo Ra’iisul Wasaare, haddii la isku soo qaadayna aan laga hoos qaadin Taliyaha Nabadsugida,” ayuu yiri Sanbaloolshe.

”Farriinta Madaxweynuhu waxay ahayd ‘yaa dalka khalkhal la gelinin,’ doorashada si nabdoon halloo qabto. Nabadsugidduna siyaasadda faraha hakala baxdo wixii hadda ka dambeeya.” ayuu raaciyey Md Sanbaloolshe.

Dad badan ayaa horay u soo hadal qaaday khaladka ku jira in ay is dheehaan amaanka iyo siyaasaddu, iyada oo XF marar badan oo hore loo jeediyey in la joojiyo arrintaasi, maadaama ay amaan xumo ka dhalan karto marka amaankii uu siyaasad galo.

Hadalsame Media