Imaaraadka & Israel oo durba kala boodey (Shir lasii qorsheeyey oo baaqday & cashar istaraatiji ah oo uu Imaaraadku bartay)

0

(Abuu Dabeey) 25 Agoosto 2020 – Imaaraadka Carabta ayaa kansalay kulan uu la yeelan lahaa Israel iyo Maraykanka oo daba socdey caadiyaynta xiriirka, kaddib markii uu RW Benjamin Netanyahu si cad uga hor yimid in UAE laga iibiyo dayuuradaha ay farsamayso Lockheed Martin ee F-35 laga iibiyo Abuu Dabeey, sida ay werisey Axios.

Weriyaha Israeli-ga ah ee Barak Ravid oo soo xiganaya 3 ilood oo is qarinaya ayaa Isniintii shaaciyey in saraakiisha Imaaraadku ay isla markiiba ay ilaa amar dambe kansaleen kulan xafladeed Jimcihii tegey dhici lahaa oo lagu muunayn lahaa xiriirka cusub ee Israel.

Abuu Dabeey ayaa rajaynaysey in marka ay Israel la heshiiso laga iibin doono hubka hormarsan ee Maraykanka sida dayuuradahan, taasoo meesha ka saari lahayd awood sarraynta cireed ee Israel ee Gobolka Bariga Dhexe, balse istaraatijiyadda siyaasadda Maraykanka iyo tan Israel ayaa si cad u qeexaya inay waajib tahay inay Israel ku gacan sarrayso hubka nooc kasta.

Warar hore ayaa se sheegayey in Netanyahu uu markii hore Imaaraadka u sheegay in aanu waxba ka qabin in laga iibiyo dayuuradaha jiilka 5-aad ee F-35 taasoo heshiiska Israel u macaaneeysey Imaaraadka, balse markii dambe wuu ka baxay ballantaas todobaadkii hore.

“Heshiiska Imaaraadka aannu la galnay kuma jiraan wax shuruudo ah oo arrintan la xiriira, Maraykankuna wuxuu Israel u sharraxay inuu mar walba ilaalin doono inay ka tayo badnaanto dalalka kale ee gobolka,” ayuu yiri Netanyahu oo warkiisu
cad yahay.

Israel ayaa si cad iskugu dayda in aanu ka awood badnaanin hal dal oo Muslim ah, iyada oo la fahamsan yahay inay tahay sababta ka dambaysa in dayuuradahan F-35 loo diido dalal Maraykanka olog la ah sida Turkiga iyo Masar oo gebigood hadda raadsanaya hubka Ruushka.

Imaaraadka ayaa durba cashar muhim ah oo istaraatijiyadeed bartay, iyadoo dadka fahamsan siyaasadda Israel ay qabaan in xiriirka Imaaraadka-Israel uu noqonayo hal dhinacle aysan dan wayni uga kordhin Abuu Dabeey oo aysan sida cad waxba uga maqnayn xiririka Tel Aviv, maadaama ay siyaasaddoodu markasta tahay in hoos loo dhigo Muslimiinta.

141105-F-XC395-173
F-22 Raptors from the 94th Fighter Squadron, Joint Base Langley-Eustis, Va. and F-35 Lightening IIs from the 58th Fighter Squadron, Eglin Air Force Base, Fla. fly in formation over the Eglin Training Range after completing an integration training mission Nov. 5, 2014. F-35s and F-22 Raptors integrated throughout four missions to fight against T-38 Talons to improve employment of fifth generation aircraft. (U.S. Air Force photo/Master Sgt. Shane A. Cuomo)

Hadalsame Media

Facebook Comments