Haddii aad 2020 sanad xasaradaysan u aragto ka warrran qofkii joogey 1900? (Bal akhri sooyaalkan)

0

(Hadalsame) 25 Agoosto 2020 – Haddii sannadka 2020 uu kuu yahay sanad aad ku dhibtootay, haddaba iska soo qaad adiga oo dhashay sannadkii 1900.

Qoraagga Steven Hodgson ayaa waxa uu ka sheekeeyay taariikh dareen murugo leh xambaarsan waxaana lagu soo bandhigay maqaal aad loo faafiyay, hadafkiisuna waxa uu ahaa in uu yareeyo cabsida iyo walwalka iyo dhibaatooyinka kale ee uu dunida ku sababay fayraska COVID-19, waxaana uu maqaalka ku bilaabay sidan:

Waxaa laga yaabaa in xaaladeenu aysan aheyn dhibkaas oo kale… waxa ay aheyd waqti fowdo ah, laakiin waxaa adag in la kala sooco waxaa ah handadaad dhab ah iyo waxa ah cabsi yar oo fudud. Si aa taas u fahanto waxaad kasoo qaadaa adiga oo dhashay sannadkii 1900.

Markii aad jirtay 14 sano ayaa waxaa bilowday dagaalkii 1-aad ee aduunka, waxa uuna dhamaaday markii aad jirtay 18 sano, waxaana ku dhintay 22 milyan oo qof dagaalkaas.

Isla waqtigaas qeeyb ka mida waxaa dunida ka dilaacay musiibadii hargabka isbaanishka (Spanish flu), waxa uuna socday ilaa sannadkaada 20-aad, 2-daas sano waxaa dhintay 50 milyan oo qof… Haa waa 50 milyan!.

Markii aad jirtay 29 sano waxaa bilowday dhaqaalo xumadii ba’neyd, shaqo la,aantu waxa ay gaartay 25%, wax soo saarka guud ee caalamka waxa uu noqday 27%, waxa ayna socotay ilaa aad ka gaareeysay 33 sano, Mareykanka waxa uu ku sigtay in uu burburo.

Markii aad gaartay 39 sano waxaa bilowday dagaalkii 2-aad ee aduunka. Wali wax ma aadan arkin ee ha isku dayin in aad nafisto.

Markii aad jirtay 41 sano waxaa dagaalka 2aad ee aduunka soo galay Mareykanka, intii u dhaxeesay markii aad jirtay 39 sano iyo markii aad jirtay 45 sano waxaa dagaalka ku dhintay 75 milyan oo qof, markii aad jirtay 39 sano ilaa 40 sano fayraska Furuq-a (Smallpox) waxa uu dilay 300 oo milyan oo qof.

Markii aad jirtay 50 sano waxaa bilowday dagaalkii kuuriya, waxaa ku halaagsamay 5 milyan oo qof. laga soo bilaabo markii aad dhalatay ilaa 55 sano jir waxaa ka cabsaneysay cudurka dabeysha (poliomyelitis) xagaa kasta, waxaana indhahaada ku arkeysay asxaabtaada ama qoysaskooda oo uu ku dhacayo cudurkaas ama sababtiis u dhimanaya.

Markii aad jirtay 55 sano waxaa bilowday dagaalkii fitnaam (Vietnam), waxa uuna socda 20 sano waxaana ku dhintay 4 milyan oo qof. Inta lagu guda jiray-na dagaalkii qaboobaa waxaa ka cabsaneysay maalin kasta in uu dhaco xasuuq la isku isticmaalo hubka nukliyeer (Nuclear).

Markii aad jirtay 62 sano waxaa dhacay mid ka mida dagaaladii ugu adkaa inta uu socday dagaalkii qaboobaa, waxa uuna dhax maray Mareykanka iyo midowga soofiyeeti Ruushka oo garabsanaya kuuba (waxaana loo yaqaanaa musiibadii gantaalaha kuuba) maadaama la isku isticmaalay gantaalo culculus, waxaana lagu dhawaaday in uu bilowdo dagaalka nukliyeer-ka.

Waxa ay u egtahay nolosha aan dunidaan ku noolnahay mid dhamaatay. Markii aad jirtay 75 sano waxaa dhamaaday dagaalkii Vietnam.

ANIGANA WAXAAN KU DARSADAY:

Markii aad jirtay 91 sano ilaa hada oo 120 sano aad jirto oo ah sannadkan 2020 waxaa soomaaliya ka dhacay dagaalo nuucyo kala duwan lahaa oo ay ku halaagsameen dad fara badan walina socdo.

WAXA UU KUSOO GABAGABEEYAY:

Waxaad ka fikirtaa qof kasta oo dashay sannadkii 1900, sida uu ugu dulqaatay waxaas oo masiibooyin ah. Ma aaminsanid in awoowayaashaa ay mar hore fahmeen dhibaatada nolasha inta ay la egtahay.

Aabayaasheen iyo awoowyaasheen waxaa laga dalbaday in ay u dulqaataan waxaas oo dhan, laakiin adiga waxaa lagaa dalbaday oo kaliya in aad gurigaada joogto inta uu socdo cudurka covid 19.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Waxaa Diyaariyey: AxmedrRashid Cabdiraxmaan

Hadalsame Media