DEG DEG: Dowladda Suudaan oo sabab la yaab leh u daliishatey diidista xiriir ay la yeelato Israel (Dabaal-jooglayn ku jirta)

0

(Khartuum) 25 Agoosto 2020 – Dowladda KMG ah ee Suudaan ayaa sheegtay inaysan haysan sharciyad ay ku caadiyayn karto xiriirka Suudaan iyo Israel.

Warkan ayaa haatan kasoo baxay Golaha Wasiirrada dalkaasi, kaddib kulan dhex maray RW Abdalla Hamdok iyo Wasiir Dibadeedka Maraykanka, Michael Pompeo oo ah nin aad ugu ololeeya danaha Israel.

RW Abdalla Hamdok ayaa Pompeo u sheegay inay dhici karto inay xiriir la yeeshaan Israel balse ay sugaan inta dowlad rigli ah laga sameeynayo dalka Suudaan, sida warkiisa ku caddayd.

Booqashada Pompeo ee Suudaan ayaa noqonaysa booqashadii ugu horreeysey ee uu sarkaal Maraykan ihi dalkaa ku tago muddo 10 sanadood ka badan.

Hamdok ayaa se Pompeo waydiistey in aan la isku xirin in Suudaan laga saaro liiska ”dalalka argagixisada taageera” oo uu Maraykanku mar hore ku daray iyo caadiyaynta xiriirka Israel, sida ay qortay Bloomberg L.P.

Warkan ayaa ka dhigan in ugu yaraan aysan Suudaan diidanayn inay xiriir la yeelato Israel, waloow uusan sidoo kale ka dhignayn inay ogoshay, balse sida cad, diidmadeedu kuma saabsana arrimihii hore ee keenay in aanay labada dal xiriir yeelanin, arrinta Falastiin iyo Quddus dartood.

Hadalsame Media

Facebook Comments