”Adna fadlan is CASIL!” – Taageerayaasha Barcelona oo weerar ku qaaday ninka ay u arkaan inuu u sabab yahay tegitaanka Messi

0

(Barcelona) 25 Agoosto 2020 – Xilli ay dunida oo dhami hadal hayso tegitaanka jookarka Barcelona ee Lionel Messi, kabtankii hore ee Carles Puyol ayaa sheegay inuu ixtiraam iyo riyaaq” u hayo ‘saaxiibkii’ oo ay u egtahay inay dhamaadeen waayihiisii Camp Nou, taasoo muujinaysa inuu jiro warka tegitaanku.

Messi ayaa iminka maamulka Barcelona u sheegay inuu tegayo isagoo adeegsanaya shuruud ku tolan qandaraaskiisa oo u fasaxaysa inuu 31-ka bishan iskaga dhaqaajiyo kooxdiisa.

Yeelkeede, taageerayaasha Barcelona oo qara la qaacaya ayaa weerar ba’an durba ku qaaday MW Josep Maria Bartomeu, oo weliba doonaya in dib loo doorto sanadka xiga.

”Sidee ugu dhiirran kartaa inaad Messi xushmad darrayso, wuu ka wayn yahay wax kasta oo aad abid Barca u qaban karto.” ayuu yiri taageere ka mid ah kooxdaasi.

Taageerayaasha ayaa sheegay in Neymar tegistiisa xitaa uu sabab u ahaa MW Barca, sidaa darteed, waxay codsadeen inuu is casilo.


Hadalsame Media