Macallin Antonio Conte oo €30m oo euro looga furtay wax u qaab eg Forex-kii Muqdisho

0

(London) 24 Agoosto 2020 – Macallinka Inter Milan ee Antonio Conte ayaa la sheegayaa in laga dhacay lacag dhan €30m oo euro xilligii uu ku noolaa magaalada London, iyadoo ay 7 kale wehliyaan.

Warkan oo uu markii hore daabacay wargayska La Verità, balse ay iminka sii qaadaa dhigayaan La Repubblica, Mediaset iyo qaar kale, ayaa sheegaya in sheekada been hawaaska ah ee 54-jirkan lagu furtay uu wax ka dhisay Massimo Bochicchio, kaasoo Conte ka raaridey inuu lacagta isku duba rido xilligii uu Chelsea wadey.

Conte ayaa la sheegay inuu deeto Bochicchio u shubay lacag dhan €30.6m si uu maalgelin aan la carrabaabin ugu sameeyo, iyadoo lagu ballamay inuu soo celinayo Juun 2020.

Yeelkeede, waxba kama soo naasa caddaanin, taasoo keentay in ay Conte iyo saaxiibbadii Booliiska u bandhigaan arrinta si loo baaro.

Waxaana markii dambe la ogaadey in sheeko been ah lagu dhacay macallinka iyo saaxiibadii, xitaana e-mail-ka la siiyey uu been abuur ahaa.

Qaabkan ayaa u eg nidaam Forex la yiraahdo oo Soomaali badan lagu furtay.

Hadalsame Media