Internet-kii abid ugu xawaare dheeraa oo la diiwaan geliyey (Wuxuu hal ilbiriqsi ku dejin karaa dhamaan waxa ku jira Netflix)

0

(London) 24 Agoosto 2020 – Cilmi Baarayaal ayaa sameeyey internet-kii abid ugu xawaare dheeraa inta la og yahay taariikhda, taasoo ka dheereeysa wax kasta oo horay loo arkay.

Khubarada tillaabadan qaadday oo ka tirsan University College London, ayaa waxay ku guulaysteen inay gudbiyaan data dhan 178 terabite ilbiriqsigii.

Waa xawaare ka badan hannaan kasta oo hadda caalamka laga adeegsado, isagoo dhaafay rikoodh kasta oo horay u yaalley.

Si kale uma garanayside, wuxuu xawaarahani hal ilbiriqsi kusoo rogi karaa ama dejin karaa (download) dhamaanba waxa ku jira maktabadda aflaamta iyo musalsallada ee Netflix.

Waxay sidoo kale u dhowaadeen xadkii uu data wareejinta u dhigay xisaab-yahankii Maraykanka ahaa ee Claude Shannon 1949-kii.

Hadalsame Media

Facebook Comments