Halista kasoo socoto siyaasadda gurracan ee AFRICOM (Qaybtii 4-aad maqaal xog warran ah)

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2020 – Waxaase marag madoonta ah tartanka loogu jiro wax soo saarka  Afrika iyo fursadaha maalgashiga oo sifiican loo maamulo, loona maareeyo inay taasi  wax weyn ka badali lahayd dhaqaalaha iyo nolosha Africa si lamid ahna ay xoojin lahayd maqaamka xukuumadaha Africa ku leedahay caalamka iyo sidoo kale sare u kici lahaa dhaqaalaha shirkada gaarka loo leeyahay. Akhri qaybtii 3-aad…

Hadaan soo gabagabeeyo, xiriirka amni ee Maraykanku kala shaqaynayo xukuumadaha dalalka geeska Afrika waxay u muuqdaan kuwa lid ku ah ujeedooyinka istiraatijiyadii uu ku dhawaaqay maamulkii Madaxweyne Obama, sababtoo ah waxaa soo ifbaxaya saamaynta xun ee ay ku yeesheen gobolka, oo ay ugu horayso inay khilaaf ka dhex oogeen dalalka gobolka.

Maadaama dawladaha qaarkood laga doorbidayo kuwa kale, taasoo ku xiran sida ay mar walba xuxuukamadahaasi ugu heelan yihiin taageeridda siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan dunida iyo gobolkaba, taasina waxay badali karaysaa awoodaha isku dheeli tiran ee dawladaha gobolka, sidoo kale waxay abuuri kartaa isku dhac millateri iyo xasarad ka aloosanta dawladaha gobolka dhexdooda.

Shakina kuma jiro in habdhaqakaasi uu uu wiiqi karo isdhexgalkii gobolka ee la saadaalinayey (regional integration) iyo hirgalin siyaasad amni iskaashi wada shaqayn oo dhexmarta dawladaha mandiqadda Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxaan hore ula soconay in xiriirkii milatari iyo faragalinta dibada xiligii dagaalka qaboobaa uu qayb lixaad leh ka qaatay baahinta sii xoogaysiga  xasarado ka aloosma gobolka.

Mana jirto sabab xoogan oo damaanad qaadaysa in siyaasada loogu magac daray (security ties) ee Maraykanku ka hawlgaliyey gobolka geeska iyadoo loo marayo AFRICOM  aysan keeneen natiijo kaduwan tii dagaalka qaboobaa oo ka dhigtay geeska Africa deegaan ay xasarado iyo dagaalo ka holcayaan.

Sababtoo ah hadii aad si hoose u dhuuxdo ama u faaqido siyaasadaas waxaad arkaysaa inayba taageero siinayso madaxda kali taliska ah ee ka jira gobolka ee sida xoogan u cadaadinaya awoodada dimoqraadi doonka ah.

Kusii daroo waxayba u muuqataa siyaasadasi mid khatar ku ah ama dib u dhac ku keeni karta tartankii shirkadaha dalalka horumaray ee dhaqaalaha leh ay ku maalgashan lahaayeen dalalka gobolka, shaki la’aana taasi waxay dhaawac weyn ku keeni kartaa ama lugaha ka dabraysaa hamigii ay dalalka Africa u qabeen soo jiidasho maalgashi iyo sidoo kale waxay daciifinaysaa ama wiiqi kartaa awoodihii gorgortan ee qaaradda.

Sidoo kale Africom waxay kaloo qayb qaadatay hawlgallada ay dunida danaha ka leh gobolka ay doonayaan inay iskaga hor wareejiyaan khataraha ka soo cusboonaaday  gobolka si guud iyo tan gudaha wadamada si gaara kuwaas caqabad ku ah danaha iyo masaalixda ay quwadaha dunidu ka leeyihiin mandiqada geeska Afrika.

Dhamaad….

Waxa Qoray: Axmed Cabdi Xassan (Suudaan)

Qunsulkii guud ee hore ee Caden, Yemen

Ahna la Taliyaha arimaha Carabta ee

Wasaarada Arimaha dibedda & Iskaashiga Caalamiga

Hadalsame Media