Axmed Madoobe oo garan la’ sababta uu u yahay MW Jubbaland (2 arrimood oo uu ka ilduufsan yahay)

0

(Hadalsame) 24 Agoosto 2020 – Axmed Madoobe, waa siyaasi muddo 8 sanadood ah haatan maamula ugu yaraan magaalada Kismaayo iyo Dhoobleey, balse caadiyan ku magacaaban MW Maamul-goboleedka Jubbaland oo isna ku magacaaban xukumitaanka dhul aad uga ballaaran inta aan soo sheegnay.

Axmed Madoobe oo tiro ka laba jeer kusoo baxay doorasho mugdi badani ku jiro isla markaana isku taagayey Dowlad kasta oo Somalia soo martay 8-dii sanadood ee tegey ayaa kaliya war ka maqla laba dhinac; Kenya iyo Puntland.

Mowqifka noocaas ihi wuxuu keenay inay dadku ka niyad jabaan Federaalka oo sababtii loo unkay ay gebi ahaanba aad uga duwan tahay sida uu wax ku wado Axmed iyo intii la aragti ah, taasoo ah in maamulka adeegyada asaasiga ah iyo ka shaqaynta danaha horumar ee gobolka lasoo daadejiyo si ay dadku wax u qabsadaan.

Nasiib darro se, taa biddaalkeeda waxaa waqti badan lagu luminayaa la muranka DF, abuurista khilaafaad dugsi hoose ah oo laga fursan karo, kuwaasoo iyaguna keena gelitaanka shirar fara badan oo aan badankood la fulinayn, balse ay waqti iyo lacag badani dalka uga boxdo.

Axmed Madoobe oo haatan ka mid ah laba siyaasi oo diidey Shirkii Dhuusamareeb 3, ayaa Maamulka iyo go’aaminta aayihiisa uu hoos geeyey dad aan ahayn shacabkii gobolka iyo isaga sheeganaya inuu xukumo waxay keentay inuu lumiyo fahamka laba arrimood oo aad muhim u ah:

1 – Gobolkani ma aha mid uu qabiil gaar ihi deggan yahay, sidaa darteed, waa inuu garan karaa inuu noqdo hoggaan qaadi kara ama meteli kara rabitaanka gobolka oo ay Soomaali oo dhami ku dhan tahay, kana tarjumo danaha gobolka Jubbaland oo ka mid ah gobollada ugu muhiimsan dalka dhanka wax soo saarka, iyadoo aanay jirin dan gaar ah oo ka dhaxayn karta 2 gobol oo gaar ah haddii la raacayo ujeedka rasmiga ah ee gobolka, marka laga soo tago danaha guud ee qaranka oo ay tahay in la ilaaliyo.

Xitaa haddii ay dhacayso inay laba gobol iskaashaadaan waa inaysan siyaasad ahayn, balse dhaqaalaha, horumarinta iwm, iyadoo weliba la eegayo gobolladii uu isku mid yahay habkooda dhaqan-dhaqaale, tusaale midkii beeraleey ah waa inay iskaashadaan midkii beeraleey ah iwm.

2 – Haddii uu markasta iska raaco wixii ay Puntland sameeyso waxaa halkaa ku dhumaysa milgada iyo qiyamka gobolka oo aan yeelanaynin wax micne siyaasadeed ah, waayo hiillo abaal malahane, marka Jubbaland loo baahdo waxaa lala hadlayaa Puntland, marka waa inuusan gobolkiisa ka dhigin Satelite State aan wax nuxur ah oo siyaasadeed lahayn.

Waxaa kale oo durba muuqata in siyaasadda A Madoobe oo ah inuu tillaabooyinka gobolka uga amar qaato Puntland iyo Kenya ay taasi dishey isku hallaynta taliskiisa iyadoo ay dadka ku dhaqan gobolka qaar badan oo ka tirsani sidaa darteed u diiddan yihiin xukunkiisa, markaas waa nin isagu duminaya nidaamkii uu madaxda ka ahaa.

Gunaanadkii, wuxuu Axmed weli garan la’yahay inuu xabadka u garaacay noqoshada MW Jubbaland, sidaa darteed, looga fadhiyo wixii anfacaya dadka Soomaaliyeed ee gobolka ku dhaqan, balse aysan micne u samaynayn inuu daba ordo gobol kale, inuu khilaaf u joog noqdo, iyo tan ugu liidata oo ah inuu dal deris ah oo uu xafiiltan naga dhexeeyo uu ku daba xiro gobol Soomaaliyeed oo xor ah.

Hadalsame Media