Loollanka DF Somalia vs Puntland-Jubaland yaa lugta iska toogtey?

0

(Hadalsame) 23 Agoosto 2020 – Ninka la yiraahdo Christopher Clapham ee qoray buugga “The Nature of the Third World State’ ama cilmi-baaraha Kola Olugbade qoray ‘State of the State of Third World’ ayaa waxay ku qeexaan kalmadda ‘Neopatrimonialism’ in awoodda iyo kheyraadka dowladnimo loo isticmaalo dano-siyaasadeed. Arrintan waxay kadhici jirtay Latin Ameerica, Qarnigii 20aad waxaana loo yaqaanay ‘patron-client relationship’. Cidda haysata awoodda dowladnimo in ay xilalka iyo kontarakt-yada ku abaal-mariso cidda taageerta ama daacadda u ah keliya, si ay awoodda usii haysato.

Markaa shakhsiyaad aanan xilal rasmi ah hayn ayaa ka sokeeya dowladnimadii oo awood badan leh, laakin xiriir toos ah lasiiyay. Maadama aanan la dhisin nidaam dowladnimo oo si hufan ugu adeega danaha muwaadinka, waa in dadkaas la doondoonaa oo xiriirkooda wax kuugu kala furdaamiyaan. Natiijaduna waa inaan musuq lala dagaalami karin in uu sii xoogeysto mooyee, siyaasadduna ku shaqeyso hanaankaa. Sidaa awgeed Soomaaliya in aad Wasiir noqoto waxaa ka awood badan in aad fahanto ciyaarta ‘Neopatrnimonialism’, waayo Wasiirka laftigiisa ayaanan awood laheyn haddii uusan kooxdaas xiriir la laheyn.

Hanaankaas waa midka ay ku dhisan tahay Dowladda Maxamed Cabdullahi Farmaajo, waxaana ku dhisan qaabka siyaasadeed ee ay ku howl-gasho Beesha Caalamka ee loogu yeeri karo Beesha 6aad. Hadaad tahay qof waaqica la socda, kama fili kartid wax sidaa kabaxsan dowladaha sidaas u dhisan ee dunida 3aad, gaar ahaan dalalka Afrikaanka ah. Dadweynaha guud waxay u maleeyaan in Madaxweyne Farmaajo aaminsan yahay wadaniyad ‘patriotism’, laakin xaqiiqdu waa inuu aaminsan yahay waxa loo yaqaan ‘opportunism’, gaadidda-fursadaha. Tan oo aan ceeb ka aheyn siyaasiyiinta Qaaradda Afrika, arrintan ayaana sal u ah natiijada ka soo baxday Dhuusamareeb 3.

Dhanka kale, Puntland iyo Jubbaland waxay qaateen siyaasad ku saleysan a) exclusivism, b) isolationism, c) dogmatism iyo d) radicalism oo ah siyaasad ku dhisan isla-qumanaan, gooni isu-soocid iyo xagjirnimo ku qottonta aaminid inaad kaligaa iyo ra’yigaaga keliya uun sax yahay. Cilmi baarisyadu waxay xusaan in qof ama qolo walba oo ay isugu tagaan afartaas tilmaamood khatar ku yihiin jiritaankooda, kuna danbeeyaan inuu qofkaa isagu is -dukheeyo ‘self-destructive’. Sababtuna waxaa weeye in Madaxweynayaasha Dani iyo Madoobi ay ka soo jeedaan xarakooyin Islaami ah oo qofku iskii isaga aaminayo in Ilaahay isaga la jiro, sidaa darteedna xaqqa isagu ag-yaalo mar walba.

Dhanka siyaasadda, Ilaahay cidna lama jirsado ee aadanaha ayuu isku imtixaamaa oo u daayaa loolanka dunida. Siyaasadduna waxay ku dhisan tahay maxaa suurtagal ah oo mar walba khasaaraha kaa yareyn kara, ee kuma dhisna waxyi-Quraani ah oo Ilaahay kuu waxyoonayo inaad adigu gar-leedahay. Sidaa awgeed, xalka macquulka noqon kara waxaa weeye in Madaxda PL iyp JL ay fahmaan siyaasadda ‘Neopatrnimonialism’ ku dhisan ee DF ciyaarto, kadibna la guraan waxa ka suurtagalka noqon kara. Maadama nidaamka aduunka cusub ‘New World Order’ maanta uu ku dhisan yahay xiriir kala maarmid la’aan ‘inter-dependency relationship’, Soomaaliduna aysan aheyn dad sina u kala maarmi kara.

Marka akhristow, adiga aan jawaabta kuu daayee Madaxda DG Puntland iyo Jubbaland ma iyagaa is-lugaha iska tooktay mise waa laga tooktay? Maxaase la haboon umadda Soomaaliyeed?

W/Q: Luqmaan-Xakiim Xuseen

E-mail: luqmaanxakiimxuseen@gmail.com

FG: Qoraakani wuxuu ka tarjumayaa aragtida qoraha ku saxiixan oo qura

Hadalsame Media