Iin ka timid magaca unkan ee lala doonayo Dhuusamareeb (Waxa loo baahan yahay haddii magac la bedelayo)

0

(Dhuusamareeb) 23 Agoosto 2020 – Qormadan gaabani waxay isku deyeysaa in ay ka jawaabto weydiimaha kala ah: Waa maxay ujeedka Sama-reeb iyo Dhuusa-mareeb? Haddii aanan la jecleysan, ma jiraa magac lagu doorsan karo?

“Sama-reeb” oo ah magac la doonayo in loogu wanqalo magaalada Dhuusamareeb waa eray ka unkan same + reeb.

Same = wanaag; samaan. Reeb = diidis in ay walaxi cid raacdo; si kas ah meel wax uga tegis.

Halkan waxaa ka dhalanaya laba ujeeddo oo kala ah “samaan diid” iyo “samaan reebis”. Weli waa laba ujeeddo oo isku kahmi kara.

Bulshada akadeemika ah ama aan dhaho ardayda jaamacadaha waxaa lagu boorriyaa in aanay qoraaalladooda u adeegsan erayo yeelan karo ujeeddo badan (ambiguous words), waa haddii ay heli karaan eray uu ujeedkiisu cad yahay.

Haddii macnaha sare loo noqdo, “Sama-reeb” waa meel samaanta laga diido. Marna “Sama-reeb” waa meel wanaagsan oo samaanta lagu reebo. Arrinkiisu waa 50% xumaan, iyo 50% samaan.

Bal haddana aan aragno habka fasirka ee lala qabsaday.-

Alle kor ahaayee wuxuu Qur’aanka ku yiri “Waxaad tihiin ummadda u kheyr badan ee loo soo bixiyey dadka, waxaad fartaan wanaagga waxaadna ka reebtaan xumaanta ………. (2:110).

Aayaddaas wuxuu Eebbe innagu ammaanay in aan samaha farno, xumaantana reebno. Haddiise samaha la reebo (Sama-reeb) waxaan noqonaynnaa ummad tii ugu sharta badneyd. Halkan, erayga “Sama-reeb” wuxuu u ekaanayaa samaan la reebayo oo ah fal shayddaan. Waxaase la yiri “shakigu ma suulo ilaa yaqiin la helo”. Waa su’aal ee afkii hodonka ahaa miyaa laga waayey magac qurxan oo ujeedkiisu cad yahay?

Dhuusamareeb

Dhuusamareeb waa magaca degmada se lagu dhibsaday eraygaas ‘dhuuso’. Waa magac ay bixiyeen dadkii xoola dhaqatada ahaa. Sida laga hayo abwaankii Xabad Yabar Tashiil-Waaq markii uu beeshiisa u dejinayey xeerarka daaqa xoolaha wuxuu yiri “Biyaha dhuusa-ma-reebta Xanfaleey ayaa ku jirta ee yaan xoolaha nugulka ah laga waraabin”.

Xanfaleey waxay ahayd baa la yiraa boqorad arxan daran, balse abwaankaasu wuxuu eray-bixin uga dhigtay biyaha ay macdantu ku yar tahay waxaana lagu gartaa dhadhan xareed la moodo iyo fudayd aanan u adkayn sida kuwa ay macdantu ku badan tahay. Dhulka sidan ah xooluhu way ku shubnaan waana meesha eraygu u dhuranayo. Sidoo kale, waxaa jirta aragti qabta in xanfaleydu ku badan tahay dhulka saransoorka ah ee ay ku kulmaan laba ciidood oo kale duwan, ahna dhulka ay ugu yeeraan “Dhuusomareeb”.

Xilliga jiilaalka ee ay xooluhu noqdaan doon iyo weyd, looma naq-raaciyo dhulkaas loo gartay in ay liidato tayada daaqa iyo biyihiisu. Xooluhu marka ay weyd noqdaan waxaa ku badata dhuusada. Dhuusadaasi waxay ka hartaa kolka ay tigaad fiican daaqaan oo ay yara naaxaan, balse tigaadda tayada xuni dhuuso ma reebto oo waa Dhuusoma-reeb.

Halkan waxaa nooga muuqda in erayga “dhuuso-ma-reeb” tilmaamayo saddex arrin oo kala ah –dhul ay laba ciidood isku weydaarato, –dhul ay biyihiisa macdantu ku yar tahay iyo –dhul aanay xooluhu ku naaxin. Ogowse tilmaantaasu waxay ku kooban tahay dhulka magaaladu ku fadhiso iyo daafihiisa, dhulka Soomaalidana waxaa laga helaa meelo badan oo dhuusamareebyo ah.

Ma jiraa magac lagu doorsan karo?

Dadka dhulkan dega waxay ku jiraan beelaha ugu hodonsan xagga afka. Waxay bartanka u fadhiyaan afguriyada (lahjadaha) koofurta, waqooyiga, bariga iyo galbeedka. Marka haddii aanay tala-xumo jirin, af-yari ma jirto. Waxay heli karaan kun magac, aanse tusaale u qaato toban magac.

Dalsan, Boqor, Hodon, Gobaad, Xiis, Abbaan, Hirad, Ladan, Cigan, Barsan, Negaad iyo boqolaal kale.

Gunaanad.

Magaca Dhuusamareeb wuxuu leeyahay taariikh; ujeeddo ayaa ka dambeysa, diiwaanno ayuu ku qoran yahay, dareen badanna waa uu xambaarsan yahay. Waa magac magaalo dhan oo fac weyn. Sidaas darteed, beddelistiisa waa in laga tashado, oo fikirka lala wadaago taariikhyahannada, afyaqaannada iyo ugu dambeyn in ay ansixiyaan golaha deegaanka ee magaaladaas. Dalalka qaarkood magac beddelista waxaa lala wadaagaa dad weynaha oo afti ayaa la geliyaa.

Waxaase yaab ah siyaasiyiinta Soomaalida oo hal shir ay ka qudbeeyaan ku beddela magac dhan sida Warta Nabadda (Wardhiigleey), Kow iyo Labaatanka Oktoobbar (Soobbe) iwm. Wax kale ma aha balse waa qalbi-wanaag iyo sal-fudeyd is biirsaday.

Magaca degmada ee la beddelayo waa in laga eegaa saddex dacal oo kala ah i) Gaabnida oo ku wanaagsan xagga dhigaalka iyo dhihidda ii) Macnaha oo leh ujeeddo qura oo weliba qurxan iyo iii) Dhalashada oo ah in eraygu yahay dhalad Afsoomaali ah si ay qof kastaaba u garato.

Waxaa Qoray: Cali-qeyr M. Nuur