Ciidamada Cirka & Badda Turkiga oo dhoollatus wayn ka sameeyey Badda Aegean Sea & Imaaraadka oo dayuurado dagaal….

0

(Ankara) 23 Agoosto 2020 – Turkiga ayaa dhoollatus bad iyo cir ah ka sameeyey Badda Aegean Sea, jeer ay sii kordhayso xiisadda kala dhexeeysa Giriigga, sida ay sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga dalkaasi.

Waxaa ka qayb galay dayuuradaha F-16 iyo maraakiib dagaal oo ay ku jiraan kuwa quusa ee gujisku, si loo “kordhiyo awoodda howlgal ee ciidamada cirka iyo badda,” sida ay sheegtay WG.

Giriigga ayaa isna sheegay in dayuurada Imaaraadku ay ka qayb geli doonaan dhoollatus todobaadka soo aaddan ka dhacaya jasiiradda Crete.

Giriigga oo u muuqda mid Carabta u adeegsanaya khilaafka kala dhexeeya Turkiga ayaa sidoo kale heshiis muran dhaliyey la galay dalka Masar, taasoo keentay inuu Turkigu soo celiyo baaristii uu ka wadey Bariga Badda Dhexe halkaasoo uu ka shaqaynayo Oruç Reis, isagoo gaas fara badanna ka helay Badda Black Sea.

Turkey ayaa Giriigga ku eedeeysay inay diiddan yihiin inuu Turkigu ka faa’iidaysto khayraadka badaha Aegean Sea iyo Badda Dhexe. Giriigga ayaa 6,000 oo jasiiradood ku leh badaha Aegean iyo Ionian Sea, kuwaasoo 200 oo ka tirsan la deggan yahay.

Dhanka kale, Turkiga ayaa ah dalka xeebta ugu dheer ku leh Badda Dhexe ee Mediterranean.

Hadalsame Media