Waxaa jirta qashqashaad uu Tukuhu kula koco Gorgorka (Arag qorshaha looga adkaado Tukaha)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2020 – Tukuhu waa shimbirka kaliya ee awoodda in uu ku istaago dhabarka Gor-gorka. Isaga oo faduulinaya waxa uu ka fuulaa dhabarka isla markaasna waxa uu ugu sii daraa in uu surka ka xanta-xanteeyo, qaniino, baalashana ka rifo!

Hase yeeshee marnaba Gor-gorku iskuma dayo in uu ka caroodo dhacdooyinkaas ku dhacaya oo uu tukuhu ku samaynayo, wax falcelin iyo iska caabin ahna kuma sameeyo tukaha, kumanaa lumiyo tamartiisa iyo wakhtigiisaba is jiid-jiidashada tukaha.

Gor-gorku waxa uu sameeyaa bil cagsi wuxuu furaa baalashiisa isaga oo u sii duula hawada sarre marba marka ka sii danbaysa. Mar walba oo uu Gor-gorku hawada sarre u sii duulo.

Tukaha waxaa ku sii adkaata neefsashada! Sababtoo ah waxaa ku yaraata hawada “Ogsajiinta” kadibna waa uu tamar beelaa wixii intaas ka danbaeeyana waxa uu khatar ugu jiraa in uu naf beelo.

FG: Dulucda sheekadu waa inaadan hadafkaaga iyo qiyamkaaga uga mashquulin caqabadaha yar yar ee aan waari karin ee mararka qaar kaa hor yimaada.

Waxaa Diyaariyey: Naadir Cabdille

Hadalsame Media