Sirta ka dambaysa Taliska Maraykanka ee AFRICOM (Qaybtii 3-aad maqaal xog warran ah)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2020 – Inkastoo AFRICOM saldhigeedu ahaa Germany, hadana saldhiga  Jabuuti waxaa loo asteeyey inuu noqdo xarunta fulinta hawlgalada ku wajahan Africa sigaara mandiqada geeska Africa. Akhri qaybtii 2-aad…

Waana lawada soconaa in Jabuti ay tan iyo waqti hor ay saldhig u ahayd ciidanka Faransiiska , iyo sidoo kale saldhig ay ka hawlgalaan ciidanka la dagaalanka burcad badeeda Soomaaliya ee uu UN ku sharciyeeye loona yaqaano (Maritime Interception Operation MIO). Sidaa si lamid ah Jabuuti waxaa saldhigyo ciidan ku leh  dalalka Germany,Talyaaniga,Norwey, Denmark, China, Japan iyo kuwo kale.

Sidoo kale Maraykanku waxa uu saldhigyo militari oo kale ka samaystay meelo kale oo mandiqada ka mid ah sida kan Mombasa, Kenya, Entebe, Uganda oo ka gacan siiya dalka Uganda sidii ay ula dagaallami lahaayeen fallaagada uu hogaamiyo Joseph Kony oo gaboodyo farabadan oo ka dhan ah bani’aadamka ka sameeyey dalka Uganda.

Sidoo kale waxa uu Maraykanku ka samaystay saldhiyo kooban oo ay ay adeegsadaan diyaaradaha loo yaqaan Drons ka sida kan Itoobiya iyo Jasiirada Seychelles ee dhacda Badweynta Hindiya.

Dhankooda dalalka Yurub ayaa ku soo biiray hawlgalka Maraykanku ka wado qaarada Afica una fidiyey maraykanka taageeo dhaqaale iyo mid farsamo si loo yareeyo ama loo ciriiriyo hawgalka dhaqaale ee Shiinuhu ka wadado qaarada, gaar ahaan mandiqada geeska Afrika.

Hawlgalka millatari ee Maraykanku kawado mandiqadda gaar ahaan Soomaaliya ayaa wejigiisa muuqdaa yahay la dagaallanka burcad badeedda iyo argagixisada Al-Shabaab iyo sidoo kale falaagada ka dagaalanta dalka Ugaanda ee uu hogaamiyo Joseph Kony, laakiin way adagtahay in hawlgalkaas kooban uu Maraykanku kawado mandiqada ay marmarsiiyo u noqon karto xajmiga saldhigyada milatari ee uu ku baahinayo kana dhisayo mandiqada.

Waxayna u muuqdaan kuwo aan isu dhigmin. Waxayna loo arkaa kuwo ujeedkooda qarsoon uu yahay in lagu saameeyo siyaasadaha dawladaha qaarada, hakadna lagu galiyo wadada Shiinuhu uu ku doonayo inuu ku gaaro khayraadka dabiiciga ah ee dhex ceegaaga qaarada iyo suuqyadeeda.

2 – Istiraatijiyada labaad ee Maraykanku ku doonayo in lagu dabro hawlgalka ganacsi ee Shiinuhu ka wado mandiqada  sida xawilga ah uga socda qaarada si guud, sigaara Manidqada bariga Africa ayaa ah mid loo marayo dhex gal dhaqaale oo wayn oo gobalka laga hirgaliyo, isitatijiyadaas waxaa dajiyey Obama taasoo qaybka ahayn siyaasadiisa ku aadan Africa,nuxurkeeduna ahaa in Maraykanku kordhiyo halwlgalka dhaqaalaha ee uu Africa la leedahay  isagoo tilmaamy.

1 – loo gogol xaaro wadada hanaan  ganacsi iyo maalgashi. 2 – In laga shaqeeyo hagaajinta hanaanka maamulka gancsi. 3 – La dardar galiyo iskaashi dhexmara dalalka mandiqada. 4 – In la ballaariyo awoodda ay Afrika ku gaari karto, ugana faa’idaysan karto suuqyada caalamka. 5 – In lagu dhiirri galiyo shirkadaha Maraykanka inay la ganacsadaan, maalgashina ku samaystaan Afrika. Intaasi waa sida laga soo xigtay senatar ka tirsan Guddiga Arimaha Dibedda ee Senedka 2012-kii.

Waxaan shaki ku jirin in  nolosha iyo horumarka Afrika ay waxweyn iska badali lahaayeen waa hadii sifiican ay hogaamiyayaasha  wadamada Afrika umaarayn lahaayeen tartanka ay ku doonayaan Shiinaha iyo Maraykanku inay maalgashi iyo wada ganacsi la yeeshaan qaarada Afrika soona saaraan khayraadkeeda  ay bulshadeeu ka oomantahay.  Arintaasina waxay siinaysaa Afrika fursad weyn oo ay wax soo saarkeeda ku geyn karaan suuqyada caalamka.

Laakiin waxaa muuqda gaabis iyo inaan sifiican loo fahmin siyaasadaha Shiinaha iyo reer galbeedku ka leeyihiin qaarada Afrika.

Dhanka kale, Shiinaha ayaa u muuqda in dhaqaalaha Afrika uu ka xoreeyey inay daba taagnaadaan barnaamijyo dhaqaale oo ay waqti hore dajiyeen hay’adaha dhaqaalaha dawliga ah iyo wadamada reer Galbeedku oo soo jiitamayey tan iyo qarnigii tagey.

La soco qayb 3-aad….

Waxa Qoray: Axmed Cabdi Xassan (Suudaan)

Qunsulkii guud ee hore ee Caden, Yemen

Ahna la Taliyaha arimaha Carabta ee

Wasaarada Arimaha dibedda & Iskaashiga Caalamiga

Hadalsame Media