Maamullada Puntland & Jubbaland mid waa ku saxan yihiin midna waa ku khaldan yihiin (Axmed Madoobe oo kaligii 2 kale ku khaldan)

0

(Hadalsame) 22 Agoosto 2020 – Maamulka Puntland oo sidii qaacii daba socdey dayuuradda ay carruurta Soomaalidu u taqaanno Caasha Carrab Dheer dabada ugu jiidanaysa Axmed Madoobe oo magac ahaan iskaga wata Maamul la magac baxay Jubbaland ayaa sanadihii dambe wax kasta waa diidney taagan.

Sida la fahmi karo maamulladani kuma khaldana inay gorgortamaan haddii ay wax ka maqan u doodayaan ha helaan ama ha waayaane weliba taas waa uga fiican yihiin maamullada iska qoor dhiibta oo wax xun ma aha inaad cadkaaga u dooddid adiga oo aan halis gelinayn midnimada, danaha iyo amaanka qaranka oo taada ka horreeysa, sidoo kale ma khaldana haddii ay wax iyaga la khaldan diiddan yihiin, balse midda aan loo baahnayn isla markaana ay ku micne beelayaan waa inay wax u diidaan waa diidney uun iyo ila meerayso.

Tusaale, xilligii diyaarinta doorashadii oo ku beegnayd 2016-kii, waxay labadan maamul si cad u diidayaan 4.5 iyaga oo ku doodayey in la hirgeliyo nidaam degaan doorasho oo ku dhisan inay dadku wax doortaan (Qof iyo Cod).

4 sanadood kaddib isla iyagii ayaa ka maqan Shir lagu diyaarinayo doorashada xigta iyaga oo diiddan inay dadku wax doortaan (Qof iyo Cod), isla markaana doonaya doorasho dadban oo ay horay u diideen 2016-kii.

Kaaga darane, War Saxaafadeed ay xalay soo wada saareen waxay Qodobka 3-aad ku codsadeen in ay ”aqbalayaan haddii shir kale la iskugu yimaado” si looga wada hadlo Doorashada 2020/21, jeer ay diideen isla shirkii looga hadlayey waxa ay hadda ku baaqayaan.

Soomaalidu waxay tiraahdaa ”haddii uu caqligaagu bato macriifadaada ayuu yareeyaa”, sidaa darteed, waxaa madaxda maamulladan la gudboon inay iyagu kaligood inta qol isku xiraan ka fikiraan waxyaabaha ay maalin kasta lasoo istaagayaan masraxyada siyaasadda oo ixtiraamaan naftooda iyo garashada umadda Soomaaliyeed, haddii aysan lahayn karti iyo dadnimo ay intaa doqoni garatada ah ku fahmaanna aysan lug gooynin umadda ay xilalkooda sheeganayaan ee ay taliska u daayaan cid iyaga dhaanta oo ka shaqayn karta danaha umadda gobolka iyo tan dalka oo isku xiran, haddii aan tan qaran la helinna aan mid gobol la heli doonin.

Waxaa taa dheer, in ay bixinayaan sawir qabyaaladeed aan u roonayn xitaa iyaga, waayo waxaa halkaa ka dhalanaya xin qabyaaladeed middi middi ku taag ah oo fashil guud mooyaane aanu qofna faa’iido ka heli doonin, isla markaana ragaadinaysa qaran dhiska oo ay muhim u tahay kalsooni umadeed aan iman doonin haddii qabyaalad wax la iskugu xiro.

Axmed Madoobe, waxaa isaga si gaar ah u saaran inuu fahmo in gobolkan uu kala daba ordayo Puntland aysan laba sababoodba taasi u samayn:

1 – Gobolkani ma aha mid uu qabiil gaar ihi deggan yahay, sidaa darteed, waa inuu garan karaa inuu noqdo hoggaan qaadi kara ama meteli kara rabitaanka gobolka oo ay Soomaali oo dhami ku dhan tahay, kana tarjumo danaha gobolka Jubbaland oo ka mid ah gobollada ugu muhiimsan dalka dhanka wax soo saarka.

2 – Haddii uu markasta iska raaco wixii ay Puntland sameeyso waxaa halkaa ku dhumaysa milgada iy qiyamka gobolka oo aan yeelanaynin wax micne siyaasadeed ah, waayo hiillo abaal malahane, marka Jubbaland loo baahdo waxaa lala hadlayaa Puntland, marka waa inuusan gobolkiisa ka dhigin Satelite State aan wax nuxur ah oo siyaasadeed lahayn.

Waxaa kale oo durba muuqata in siyaasadda A Madoobe oo ah inuu tillaabooyinka gobolka uga amar qaato Puntland iyo Kenya ay taasi dishey isku hallaynta taliskiisa iyadoo ay dadka ku dhaqan gobolka qaar badan oo ka tirsani sidaa darteed u diiddan yihiin xukunkiisa, markaas waa nin isagu duminaya nidaamkii uu madaxda ka ahaa.

Hadalsame Media

Facebook Comments