”Dhismaha Biya-xireenku wuu sii soconayaa xitaa haddii aniga la i bedelo” – RW Abiy Axmed oo sheegay inuusan cadaadis yeelayn

0

(Addis Ababa) 22 Agoosto 2020 – RW Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa sheegay in uu dalkiisu sii wadayo dhismaha Biya-xireenka Baraarugga oo haatan 88% dhamaaday isla markaana aanu cadaadis kasta u joogsan doonin.

”Biya-xireenku waa astaan xorriyadeed, kaasoo ay dadka Itoobiyaanku naftooda u huriyaan si dhismihiisa loo dhamaystiro,” ayuu yiri Axmed.

Wuxuu intaa raaciyey in dhismaha Biya-xireenku uu sii soconayo xitaa haddii la bedelo xukuumaddiisa, maadaama uu dalkiisu aad ugu baahan yahay, sida uu yiri.

Biya-xireenka Baraarugga ayaa muran ka dhex dhaliyey Itoobiya iyo dalalka Suudaan iyo Masar, iyadoo Arbacadii la isku raacay in la dhiso guddi farsamo oo isku dhaf ah oo 3-dan dal ka kooban.

Hadalsame Media